XIDIGTII HABLAHA KACAY (abwaan cabdiqadir cabdi raam)

XIDIGTII HABLAHA KACAY (abwaan cabdiqadir cabdi raam)
runtii waxa ku dhaliyey inan ay isku iskuul ahaayeen oo sheeko ka dhaxeysay u tiriryey

xuural-cayntii aduunkaay
xiligoo barwaaqaay
xariiirtiyo dahabkaay
xusuustii jacaylkaay
tusaalihii xishoodkaay
xulashadii hablahaay

xushmad lagu dheehaay
xabag-barsheedaay
inantii xaragadaay
xuduntii quruxdaay
xayndaabkii asluubtay
xidigtii hablaha kacaay

siduu xubigu ii helay
hurdo uma xiisoon
xalay iyo habeen
xidigahaab tirsanayey
ma xuural-cayntiiyoo
xay loo daawanayaa ?

xiribihiyo indhaheeda
xaashe'e deerada ah
ma xeradiisa dayaxoo
galsho isu xeeraa ?

xaragada talaabada
xubnaheeda laafyaha
ma xamar uguboo
xarfo dhex socdaa?

mise dhabi xanfar lushoo
kolba xag u liiciyo
xayaab rako laacoo
is xeydaaminayaa ?

timahani xanjaadkiyo
laba xusul dherersaday
ma xaadii goraygiyo
haldhaa soo xinaystaa ?

xiiqiyo haraadkana
deymadaada xalisee
ma biyo xarfanayiyo
xareed lagu oonbaxaa ?

xinjirtiyo dhiigiyo
xididaday raacdee
ma dhilawyahanka xagasare
geedaha isu xeeraa ?

xarafkeeda hadalkuna
xagay ka dhawaaqdaba
xabadkay rushaysee
ma xays hooray baa ?

1 comment:

  1. waaw waa hees fiican sxb aad ayaan ula dhacay runtii abwan ad u da'yar oo xikmad leh ayaad t ahay, waxanna waa hibo alle ku siyey, ee heesaha wadaniyadda iyo dorashada ayaa laga rabaa camow,,,,,


    Mowliid Maxamed Maxamud, hargeisa somaliland

    ReplyDelete