
Cabdi-qaadir Cabdi Xasan oo lagu naanayso (RAAM) Waa abwaan da’yar oo tixuhuu tiriyaa laga dhadhansanayo dhiiri galin, Waddaniyadeed, Wacyi galin Ummadeed, Tilmaan Caashaq, iyo Waano uu dadka siiyo, Abwaanka da’da yar waa abwaan hadda uun la soo kala baxay Maansooyin Mudh baxay oo dadka intiisa kale la yaabaan, Abwaan Raam haddii aad ka dhugato Maansooyinkiisa oo si fiican ugu dhag taagtid, waxay ku tusaysaa tusaalooyin fiican, oo aad ku waano qaadatid, Immika Waxaa uu na soo gaadhsiiyey Maansooyin aad u la yaabadan, oo daba socda Maansooyin uu Hadda ka hor noo soo diray Isagoo dalkii jooga Raam,
DHULKEENA
Maansadan ugu horraysa waxaa la yidhaahdaa dhulkeenna, waxa uu Awaan Raam, tilmaamayaa dhulkeena iyo sida Ilaahay barwaaqada uga dhigay oo aynaan marnaba ka faa’idaysan, iyo sida dadyawga qaar haddi la siin lahaa ay uga faa’idaysan lahaayeen nimcada Ilaahay ku dul beeray, waxa uu tusaale cad ka bixinayaa in Ilaahay dhulkeena ugu deeqay Khayraad gaar ah oo ay ugu horreeyaan Batroolka, Dheemanta, iyo waliba Dahabka, waxaanu yidhi:-
• Dhulkeenu waa mason
• Meel dhool uu helay
• Uu dhirbaaxay mahiigaan
• Dhibicdii mayeyguna
• Daba-dhacday xays hore
• Dabadeed dhamaantood
• Dirir sii dhaqaajoo
• Hogoshuna ku dhufatoo
• Sagalkuna ma dhaafine
• Dhowr cisho waqal da’ay
• Saq dhexe gudgudiyo
• Xareed dhigay miiraalahu
• Dhamidood onkodeenoo
• Dhowr saac ka dib
• Durdurada dheelisocdaa
• Isa daba dhaceenoo
• Dhaliyeen daadadkoo
• Dhirtoo is dugsatoo
• Dhexda isu haysoo
• Dhamaan wada magoosho
• Midhihii dhasheenoo
• Hoobaantu dhacaysoo
• Dharabkiyo tigaadiyo
• Dhuubadiyo dareemada
• Ku dherersaday baldhooluhu
• Dhulka doogu qariyey
• Barbardhacday qoraxdoo
• Dhigatay baalashoo
• Dhumucdii falaadhaha
• Ka dhex saartay daruuroo
• Midab dhiiniyo casaaniyo
• Moodoo dhalaalina
• Dheega widhwidhaysoo
• Jeegaantoo dhamaysina
• Dheeha midabadeeda
• Dhig dahab la moodoo
• Kasii dhacday waqooyiyo
• Dhinacaa koonfuroo
• Goor xooluhu dhaleenoo
• Geeloo dhaadhsaniyo
• Dhay lo’ laga lisoo
• Ruuxii dhamaabaan
• Dhaxan aanay gelinoo
• Ciyaaraha dhaqankee
• Dhaantiyo baarcadiyo
• Dhawaaqdooda luuqdiyo
• Dhegtii maqashaaabaan
• Dhaqaaq ogoleyne
• Hidiyo dhaqankani
• Ruuxii ku dhaadanlaa
• Dhoof haduu u bareeray
• Yaa dhulkiisan dihinsanee
• Dheemantiyo dahabkiyo
• Batrool laga dhurtiyo
• Macdanta dhextaalee
• Illaahay uu dhigay
• Dhab uga baadhaaya
• Dheelmashada hayaankana
• Dhalandhoolka uu galo
• Bal aan u sii dhaadhaco
• Bada dhererka weynlay
• Nujubkoo dhacaaya
• Dhedigiyo laboodiyo
• Dooni dhumuc yar
• Dhabaha qaadaanoo
• Dhimashiyo nololbay
• Dhexda ay uu joogaan
• Dharaaray saxaraha
• Dhuumasho ku maraanoo
• Iyagoo dhuuni go’ay
• Misna hubin inta dhiman
• Dhedigiyo laboodba
• Dhabaha qaadaanoo
• Dhimasho iyo nololbey
• Dhexda ay u joogaan
• Dacawaduba dhadhankiyo
• Halkay shalay ka dhuuqday
• Ku dhimataa maalinkale
• Dhagaxii figta yaal
• Ma arko dhul hoosee
• Dhaqaalaha ilaahbaa
• Qofba risiqiisa dhigee
• Meydaan dhago lahayn
• Wax idinka dhaadhacayn
• Waanada dhuganayn
• Dhibta ku waayo arkayn
• Waxa loo dhimanayaa
• Dhul shisheeyee weeyaan
• Meel baraf dhacaayoo
• Dhaqaniyo diin lahayn
• Adoo dhowrtaystoo
• Dhacdhac hela mooyee
• Sharafbaanad ku dhargayn
• Hablaheena dheehayee
• Mariiin dhalaaalka ah
• Timahu dhabarka joogaan
• Dhoofee ee haajiray
• Gaalla loo dhisayoo
• Wey dhalan doorsadeena
• Dhahariyo saylaciyo
• Dhirtii gabileyiyo
• Hargeysoo dhexdiiyaa
• Nimco aan dhamaaniyo
• Barwaaqo lagu dhergiyo
• Allahayow na dhaxalsii
• AAMIIN AAAMIINN….
LIBAAX MAGAALO
Waxa beryahan danbe dhulka Somaliland iyo Africa ba ku soo badanaya cudurka aan dawada lahayn taasoo hadiyo jeer laga dhiidhinayoHadaba waxa maalin anigoo dhegaysanaya radio hargeisa aan ka maqlay\Wiil uu hayo cudurkani oo ka sheekaynayay sidii uu ku halleeley iyo nolosha cidlada ah uu ku noolyahay taasoo igu kaliftay inaan ereryo kooban ka idhaahdo Hadiyo jeer dhalinyarta ku nool magaalada hargeisa ayaa AIDS u yaqaan LIBAAX taasoo uu cinwaan uga , dhigay maansadani kooban waxaanu yidhi:-
• Laaleys meeldheeriyo
• Laan xaraar ku taala
• Ninka laac is yidhiyoow
• Armada laagta ka dhacdaa !!!
• Nin yaraan ku loofaroow
• Lacagtu waa hawee
• Armada ladh qoomamiyo
• Waxaad lumisay raadisaa!!
• Ninkay lugahiisu
• Xumo ku leexiyoonow
• Armada ledis hurdiyo
• Laxaad ka aad weydaa !!
• Ninka ladnaan rabee
• Laf toobin ku hayoow
• Lurta dhunkaaliyo
• Armada dacarta leeftaa!!
• Ninka libaax magaalo
• Laamida ka helayow
• Armada libidhood
• Soo laaban weydaa !!
• Ninka og leebiyo
• Seefta loo lisanayee
• Leydhu ay wadatoow
• Armay luquntu ku go’daa !!
• Ninka laba digniin helay
• Ka libiqsaday waanadoow
• Armu laf-dhabartiyo
• Laxaw waara helaa
• Ninka laabatooyinka
• Xadhkahu ka lushaanow
• Armaa lagugu laalaaboo
• Liidnimo ku raaacdaa !!
• Loolanka tartankiyo
• Ninka kubada laagayoow
• Armada laweydaayoo
• Liidnimo ku raacdaa
• Ninka waanada loogsadee
• Laamaha ka boodow
• Leexleexo badatee
• Armaa jiifka lagaa helaa!!
• By A.kadir raam
Guulaa mahadleh
Maansadani waa maanso yar oo kooban waxa uu abwaanku ugu magac daray Guullaa Mahaddaa leh, ,waana tix yar oo Sarbeeb ah sida ay tilmaamayso:-
• Geed baa hadloo yidhi
• Hadii aanay gibilkay
• Gudinyahay kugu jirin
• Ima aanad goyseen
• Geri baa hadloo yidhi
• hadaan guulahay
• ii garan qoorta dheer
• geedka meel sariyo
• guudka sooma goosteen
• guuguulaa hadloo yidhi
• hadaan gugu raagin
• gidi maantoo idil
• gooniday ma ooyeen
• geelbaa hadloo yidhi
• hadaan gaajiyo oon
• giijinoon u adkaysan
• guurida reerkiyo
• geedi leyma rarteen
• gabadhbaa hadashoo tidhi
• hadaan guudka biliciyo
• timo-goray haldhaaliyo
• gobka ahayn quruxda
• leymaba guursadeen
• gamaan baa hadloo yidhi
• gucliyo hankakaabsi
• gebi hadaan ka boodayn
• dagaal leyguma galeen
• geesi baa gabyoo yidhi
• gobanimada dalkaygiyo
• nabadbaan gogladaayo
• gumaysiyo dulmabaan
• aaanan ka gam’aynoo
• gulufiyo colaaadaha
• ama guushaan hantaayoo
• gaashaanka dhiig tiraa
• ama geeri ka doortaayoo
• geesi qaran noqdaa
• gebo-gebada maansada
• ninkii garaadloow
• waxaan uga gol leeyahay
• garoo bal adigu fahan!!
A,KADIR ABDI RAAM,
DAWADII BULSHADA
Sidaan ognahay waxaa dadka ka jira dhibaatooyin badan oo isugu jira qaar aan gacmaheena ku doorsanay iyo kuwo kale oo ka midtahay dhalinyarta qaadka iyo sigaarka quuta qabyaaladiyo haybsooca umad aan quudhsanayIyo is aamin la’aan sababtahay is necbaansho ku salaysan qabiil iyo qaar kale oo badan oon kaga hadlayo maansadani kooban Oo loo baahanyahay inaan iska dhaafno ahna dawada bulshada
• Darku inuu bacaad yahay
• Dawlisku iin leeyahay
• Dacartuna malabtahay
• Dawadiina bukootay
• Aan kuu daliishee
• Dabuubtayda maqal
• Waxa dayax lagu tagay
• Ee sahanka loo diray
• Dabadeed maanta
• Lagu maamulo dunida
• Duruus weeyee ma ogtihiin
• Doqonimo wax maydhiyo
• Wax lagu dabiibiyo
• Dibka eegiyo
• Dhan loo dayaba
• Dawo maleh ma ogtihiin
• Deyr aanad lahayni
• Dhaxan kaama diirshoo
• Ku dayashada gaalkiyo
• Inaad raacdo dawgiis
• Oo dariiqii nebigana
• Lagaa soo duwaa
• Dagaal weeye ma ogtihiin
• Marka roobku da’aa
• Dooguna baxaayoo
• Markaad nabadku degantaa
• Darsina barataaye
• Dul ahaan nabadu
• Waa danteene ma ogtihiin
• Qabiilkuna duliniyo
• Daalinbaa wadwadoo
• Dhuunigiisa ka doonoo
• Dadku kala firdhiyaaye
• Dugsi maleh ma ogtihiin
• Dur-duraduunbaa
• Daadadkuun dhashee
• Inagoo isku duuban
• Inaan noqono duul qudha
• Dedaal weeyi ma ogtihiin
• Dirir galbeed ka onkaday
• Dib uma soo noqdee
• Waqtigaad dayacdaa
• Waa daruurqaade ma ogtihiin
• Malabkii doocaan
• Dacar hadaad kubedesho
• Diiqashada adaa loo
• Is dilee ma ogtahay
• Dulinkani cagaaran
• Iyo qiiqa daxalka
• Naftay u daranyihiinoo
• Jidhka wuu dumiyaaye
• Waa diife ma ogtihiin
• Oodu siday isu dultaala
• Loo kala dalacaaye
• Bidaariyo inyar durugiyo
• Dirqi sibiqbay kugu gashaaye
• Gaal muslin dilaaya
• Inaad adna daawataa
• Digasho weeye ma ogtihiin
• Intaaso duruufiyo
• Inkaloo dahsoonoo
• Dubaaqayga ku jira
• Waa dawo xumaatoo
• Dibaan u raadinayaaye
• Idinkuna dedaalkaa
• Ila doondoonoo
• Ila mara dawgaa
HABLAHA SOOMAALIDA
Tixdan waa tix ka hadlaysa Hablaha somaliyeed, iyo quruxda Ilaahay Ku mannaystay, waxa uu suuraynayaa Abwaanku quruxda gaar ahaaneed ee ay hablaheenu Ilaahay ugu deeqay,
• Sida faras sanaag daaqiyo
• Suunaaliga nugaal
• Ama senge barooroo
• Lagu xidhay sitaacoo
• Majiiraha sunsumayaad
• Hablihii soomaalaay
• Suuradeeda leedihiin
• Sida daa’uus salad hore
• Kala saydhay baalasha
• Intuu wada siraaday
• Sarta baalka dahabkiyo
• xariir saafi la moodaad
• hablihii soomaalaay
• suuradeeda leedihiin
• Sida goob samoo
• Sareedoo barwaaqo ah
• Seerma-weydo ku hooroo
• Cal-calyada saafiga
• Sagal hooray ku tiixaad
• Hablahii soomaalaay
• Suuradeeda leedihiin
• Sida mooda galabeed
• Cadceed sibiq dhacaysiyo
• Dayaxoo samada ootay
• Jeegaantoo safaniyo
• Xidigahoo sabaynayaad
• Hablihii soomaalaaay
• Suuradeeda leedihiin
• Sawirkiina wacanee
• Sida midabka ololka
• Sumad wacan indhihiina
• Suniyaasha qaansaha
• Sanqaroorka lagu ganay
• Garbaha isu siman
• Hablihii soomaalaay
• Sebankani aduunyada
• Idinka u wada sitoo
• Suxulaad wax dheertihine
• Dhaqanaka hasii deynina
• Xishoodkana ha siibina
YARTAAN CALMADEY
Tixdan waxaa magaceeda la yidhaahdaa yartaan calmaday, waa tix caashaqa ka warramaysa, runtiina tixdan waa tix Abwaanka u gaar ah qofkii akhristaana waxay galinaysaa Xiiso gaar,
• Yartaan calmadee
• Carabkayga ka go’ilaay
• Waxaad tahay cir hooroo
• Shafka ciida dhigayoo
• Moqorkii callow ahaa
• Gelin cabaara dabadeed
• Cirif ka cirif xareedu
• Saafi ay ku curatay
• Carfiga saxansaxadiyo
• Ceelashu buuxsameen
• Caro san intuu dhigay
• Afar caanomaal kadib
• Tigaadoo cagaaroo
• Dhulka lagu cimaamaday
• Ubaxoo casuusoo
• Cuskanaya laamaha
• Caleemahu is qabsado
• Hoobaantu ciirayso
• Yartaan calmadee
• Cindigayga ka bixilaay
• Waxaad tahay cadceedoo
• Casar gaaban joogtoo
• Carceeriyeen daruuruhu
• Ku caabiday falaadhoo
• Cidhifkana uu dayaxii
• Ku caawiyey nuurkoo
• Cillaan u tahay jeegaantu
• Midabada cajiibkiyo
• Curinaysa kaladhada
• Cishadii timaadaba
• Inta rag ku caashaqa
• Ku caleema saariyo
• Inta dumar cuqdadiyo
• Luuli loo caymadiyo
• Aad ku dishay cadhada
• Ka badan camuuda
• Canbihiyo tufaaxiyo
• Cambaruud la moodyeey
• Cisiyo sharafbaad
• Labada cugatoo
• Caynkaad tahaybaan
• Hadal cimidhinoo
• Carab baan dhamayn Karin
AYAAN- DARAN
Inantii quruxdaay
Indho ubaxleeyey
Ilko dhuuxleeyey
Timo-haldhaa u eegley
Wejigeed iftiinley
Akhlaaq suubanleeyey
Ishaadu milicsiga
Ruuxaad ku abaartaa
Ashqaraar ma ledeyoo
Axadkaad u qososhaa
Sida mu’min aflaxoo
Loogu abshiriyey janada
Alfa goor ku mahadiyaa
Aniguna ayaamahaan
Kolba u abtiriyaayoo
Wallee axad ishqi ihelay
Kuma maqal aduunkee
Sida qorax ileyskeed
Ama olol baxaaaya
Indhahaygu jaleecada
Ingelina daawashadaa
Kuma eegi karaanoo
Waad ka awood badatee
Ayaantaanan ku arkin
Alhuuma jacaylkaa
Hadba aaraa I fartoo
Anoo abaabulanbaan
Markaan ku ag-istaagaba
Sida neef abaadey
Iga lumaan ereyadu
Aniguna ayaan daran
Oogtii bermuudaan
Moolkeeda aalaaye
Ha iiga tagin aramida
Waxaa maansooyinkaa iyo kuwa kaleba ay ka soo maaxdeen maskaxdii Abwaanka Da’da yare ee loo yaqaan C/qaadir Cabdi Xassan (Raam) abwaanka Ciddii u baahan waxay kala xidhidhi kartaa E-mailka raam006@hotmail.com
DHULKEENA
Maansadan ugu horraysa waxaa la yidhaahdaa dhulkeenna, waxa uu Awaan Raam, tilmaamayaa dhulkeena iyo sida Ilaahay barwaaqada uga dhigay oo aynaan marnaba ka faa’idaysan, iyo sida dadyawga qaar haddi la siin lahaa ay uga faa’idaysan lahaayeen nimcada Ilaahay ku dul beeray, waxa uu tusaale cad ka bixinayaa in Ilaahay dhulkeena ugu deeqay Khayraad gaar ah oo ay ugu horreeyaan Batroolka, Dheemanta, iyo waliba Dahabka, waxaanu yidhi:-
• Dhulkeenu waa mason
• Meel dhool uu helay
• Uu dhirbaaxay mahiigaan
• Dhibicdii mayeyguna
• Daba-dhacday xays hore
• Dabadeed dhamaantood
• Dirir sii dhaqaajoo
• Hogoshuna ku dhufatoo
• Sagalkuna ma dhaafine
• Dhowr cisho waqal da’ay
• Saq dhexe gudgudiyo
• Xareed dhigay miiraalahu
• Dhamidood onkodeenoo
• Dhowr saac ka dib
• Durdurada dheelisocdaa
• Isa daba dhaceenoo
• Dhaliyeen daadadkoo
• Dhirtoo is dugsatoo
• Dhexda isu haysoo
• Dhamaan wada magoosho
• Midhihii dhasheenoo
• Hoobaantu dhacaysoo
• Dharabkiyo tigaadiyo
• Dhuubadiyo dareemada
• Ku dherersaday baldhooluhu
• Dhulka doogu qariyey
• Barbardhacday qoraxdoo
• Dhigatay baalashoo
• Dhumucdii falaadhaha
• Ka dhex saartay daruuroo
• Midab dhiiniyo casaaniyo
• Moodoo dhalaalina
• Dheega widhwidhaysoo
• Jeegaantoo dhamaysina
• Dheeha midabadeeda
• Dhig dahab la moodoo
• Kasii dhacday waqooyiyo
• Dhinacaa koonfuroo
• Goor xooluhu dhaleenoo
• Geeloo dhaadhsaniyo
• Dhay lo’ laga lisoo
• Ruuxii dhamaabaan
• Dhaxan aanay gelinoo
• Ciyaaraha dhaqankee
• Dhaantiyo baarcadiyo
• Dhawaaqdooda luuqdiyo
• Dhegtii maqashaaabaan
• Dhaqaaq ogoleyne
• Hidiyo dhaqankani
• Ruuxii ku dhaadanlaa
• Dhoof haduu u bareeray
• Yaa dhulkiisan dihinsanee
• Dheemantiyo dahabkiyo
• Batrool laga dhurtiyo
• Macdanta dhextaalee
• Illaahay uu dhigay
• Dhab uga baadhaaya
• Dheelmashada hayaankana
• Dhalandhoolka uu galo
• Bal aan u sii dhaadhaco
• Bada dhererka weynlay
• Nujubkoo dhacaaya
• Dhedigiyo laboodiyo
• Dooni dhumuc yar
• Dhabaha qaadaanoo
• Dhimashiyo nololbay
• Dhexda ay uu joogaan
• Dharaaray saxaraha
• Dhuumasho ku maraanoo
• Iyagoo dhuuni go’ay
• Misna hubin inta dhiman
• Dhedigiyo laboodba
• Dhabaha qaadaanoo
• Dhimasho iyo nololbey
• Dhexda ay u joogaan
• Dacawaduba dhadhankiyo
• Halkay shalay ka dhuuqday
• Ku dhimataa maalinkale
• Dhagaxii figta yaal
• Ma arko dhul hoosee
• Dhaqaalaha ilaahbaa
• Qofba risiqiisa dhigee
• Meydaan dhago lahayn
• Wax idinka dhaadhacayn
• Waanada dhuganayn
• Dhibta ku waayo arkayn
• Waxa loo dhimanayaa
• Dhul shisheeyee weeyaan
• Meel baraf dhacaayoo
• Dhaqaniyo diin lahayn
• Adoo dhowrtaystoo
• Dhacdhac hela mooyee
• Sharafbaanad ku dhargayn
• Hablaheena dheehayee
• Mariiin dhalaaalka ah
• Timahu dhabarka joogaan
• Dhoofee ee haajiray
• Gaalla loo dhisayoo
• Wey dhalan doorsadeena
• Dhahariyo saylaciyo
• Dhirtii gabileyiyo
• Hargeysoo dhexdiiyaa
• Nimco aan dhamaaniyo
• Barwaaqo lagu dhergiyo
• Allahayow na dhaxalsii
• AAMIIN AAAMIINN….
LIBAAX MAGAALO
Waxa beryahan danbe dhulka Somaliland iyo Africa ba ku soo badanaya cudurka aan dawada lahayn taasoo hadiyo jeer laga dhiidhinayoHadaba waxa maalin anigoo dhegaysanaya radio hargeisa aan ka maqlay\Wiil uu hayo cudurkani oo ka sheekaynayay sidii uu ku halleeley iyo nolosha cidlada ah uu ku noolyahay taasoo igu kaliftay inaan ereryo kooban ka idhaahdo Hadiyo jeer dhalinyarta ku nool magaalada hargeisa ayaa AIDS u yaqaan LIBAAX taasoo uu cinwaan uga , dhigay maansadani kooban waxaanu yidhi:-
• Laaleys meeldheeriyo
• Laan xaraar ku taala
• Ninka laac is yidhiyoow
• Armada laagta ka dhacdaa !!!
• Nin yaraan ku loofaroow
• Lacagtu waa hawee
• Armada ladh qoomamiyo
• Waxaad lumisay raadisaa!!
• Ninkay lugahiisu
• Xumo ku leexiyoonow
• Armada ledis hurdiyo
• Laxaad ka aad weydaa !!
• Ninka ladnaan rabee
• Laf toobin ku hayoow
• Lurta dhunkaaliyo
• Armada dacarta leeftaa!!
• Ninka libaax magaalo
• Laamida ka helayow
• Armada libidhood
• Soo laaban weydaa !!
• Ninka og leebiyo
• Seefta loo lisanayee
• Leydhu ay wadatoow
• Armay luquntu ku go’daa !!
• Ninka laba digniin helay
• Ka libiqsaday waanadoow
• Armu laf-dhabartiyo
• Laxaw waara helaa
• Ninka laabatooyinka
• Xadhkahu ka lushaanow
• Armaa lagugu laalaaboo
• Liidnimo ku raaacdaa !!
• Loolanka tartankiyo
• Ninka kubada laagayoow
• Armada laweydaayoo
• Liidnimo ku raacdaa
• Ninka waanada loogsadee
• Laamaha ka boodow
• Leexleexo badatee
• Armaa jiifka lagaa helaa!!
• By A.kadir raam
Guulaa mahadleh
Maansadani waa maanso yar oo kooban waxa uu abwaanku ugu magac daray Guullaa Mahaddaa leh, ,waana tix yar oo Sarbeeb ah sida ay tilmaamayso:-
• Geed baa hadloo yidhi
• Hadii aanay gibilkay
• Gudinyahay kugu jirin
• Ima aanad goyseen
• Geri baa hadloo yidhi
• hadaan guulahay
• ii garan qoorta dheer
• geedka meel sariyo
• guudka sooma goosteen
• guuguulaa hadloo yidhi
• hadaan gugu raagin
• gidi maantoo idil
• gooniday ma ooyeen
• geelbaa hadloo yidhi
• hadaan gaajiyo oon
• giijinoon u adkaysan
• guurida reerkiyo
• geedi leyma rarteen
• gabadhbaa hadashoo tidhi
• hadaan guudka biliciyo
• timo-goray haldhaaliyo
• gobka ahayn quruxda
• leymaba guursadeen
• gamaan baa hadloo yidhi
• gucliyo hankakaabsi
• gebi hadaan ka boodayn
• dagaal leyguma galeen
• geesi baa gabyoo yidhi
• gobanimada dalkaygiyo
• nabadbaan gogladaayo
• gumaysiyo dulmabaan
• aaanan ka gam’aynoo
• gulufiyo colaaadaha
• ama guushaan hantaayoo
• gaashaanka dhiig tiraa
• ama geeri ka doortaayoo
• geesi qaran noqdaa
• gebo-gebada maansada
• ninkii garaadloow
• waxaan uga gol leeyahay
• garoo bal adigu fahan!!
A,KADIR ABDI RAAM,
DAWADII BULSHADA
Sidaan ognahay waxaa dadka ka jira dhibaatooyin badan oo isugu jira qaar aan gacmaheena ku doorsanay iyo kuwo kale oo ka midtahay dhalinyarta qaadka iyo sigaarka quuta qabyaaladiyo haybsooca umad aan quudhsanayIyo is aamin la’aan sababtahay is necbaansho ku salaysan qabiil iyo qaar kale oo badan oon kaga hadlayo maansadani kooban Oo loo baahanyahay inaan iska dhaafno ahna dawada bulshada
• Darku inuu bacaad yahay
• Dawlisku iin leeyahay
• Dacartuna malabtahay
• Dawadiina bukootay
• Aan kuu daliishee
• Dabuubtayda maqal
• Waxa dayax lagu tagay
• Ee sahanka loo diray
• Dabadeed maanta
• Lagu maamulo dunida
• Duruus weeyee ma ogtihiin
• Doqonimo wax maydhiyo
• Wax lagu dabiibiyo
• Dibka eegiyo
• Dhan loo dayaba
• Dawo maleh ma ogtihiin
• Deyr aanad lahayni
• Dhaxan kaama diirshoo
• Ku dayashada gaalkiyo
• Inaad raacdo dawgiis
• Oo dariiqii nebigana
• Lagaa soo duwaa
• Dagaal weeye ma ogtihiin
• Marka roobku da’aa
• Dooguna baxaayoo
• Markaad nabadku degantaa
• Darsina barataaye
• Dul ahaan nabadu
• Waa danteene ma ogtihiin
• Qabiilkuna duliniyo
• Daalinbaa wadwadoo
• Dhuunigiisa ka doonoo
• Dadku kala firdhiyaaye
• Dugsi maleh ma ogtihiin
• Dur-duraduunbaa
• Daadadkuun dhashee
• Inagoo isku duuban
• Inaan noqono duul qudha
• Dedaal weeyi ma ogtihiin
• Dirir galbeed ka onkaday
• Dib uma soo noqdee
• Waqtigaad dayacdaa
• Waa daruurqaade ma ogtihiin
• Malabkii doocaan
• Dacar hadaad kubedesho
• Diiqashada adaa loo
• Is dilee ma ogtahay
• Dulinkani cagaaran
• Iyo qiiqa daxalka
• Naftay u daranyihiinoo
• Jidhka wuu dumiyaaye
• Waa diife ma ogtihiin
• Oodu siday isu dultaala
• Loo kala dalacaaye
• Bidaariyo inyar durugiyo
• Dirqi sibiqbay kugu gashaaye
• Gaal muslin dilaaya
• Inaad adna daawataa
• Digasho weeye ma ogtihiin
• Intaaso duruufiyo
• Inkaloo dahsoonoo
• Dubaaqayga ku jira
• Waa dawo xumaatoo
• Dibaan u raadinayaaye
• Idinkuna dedaalkaa
• Ila doondoonoo
• Ila mara dawgaa
HABLAHA SOOMAALIDA
Tixdan waa tix ka hadlaysa Hablaha somaliyeed, iyo quruxda Ilaahay Ku mannaystay, waxa uu suuraynayaa Abwaanku quruxda gaar ahaaneed ee ay hablaheenu Ilaahay ugu deeqay,
• Sida faras sanaag daaqiyo
• Suunaaliga nugaal
• Ama senge barooroo
• Lagu xidhay sitaacoo
• Majiiraha sunsumayaad
• Hablihii soomaalaay
• Suuradeeda leedihiin
• Sida daa’uus salad hore
• Kala saydhay baalasha
• Intuu wada siraaday
• Sarta baalka dahabkiyo
• xariir saafi la moodaad
• hablihii soomaalaay
• suuradeeda leedihiin
• Sida goob samoo
• Sareedoo barwaaqo ah
• Seerma-weydo ku hooroo
• Cal-calyada saafiga
• Sagal hooray ku tiixaad
• Hablahii soomaalaay
• Suuradeeda leedihiin
• Sida mooda galabeed
• Cadceed sibiq dhacaysiyo
• Dayaxoo samada ootay
• Jeegaantoo safaniyo
• Xidigahoo sabaynayaad
• Hablihii soomaalaaay
• Suuradeeda leedihiin
• Sawirkiina wacanee
• Sida midabka ololka
• Sumad wacan indhihiina
• Suniyaasha qaansaha
• Sanqaroorka lagu ganay
• Garbaha isu siman
• Hablihii soomaalaay
• Sebankani aduunyada
• Idinka u wada sitoo
• Suxulaad wax dheertihine
• Dhaqanaka hasii deynina
• Xishoodkana ha siibina
YARTAAN CALMADEY
Tixdan waxaa magaceeda la yidhaahdaa yartaan calmaday, waa tix caashaqa ka warramaysa, runtiina tixdan waa tix Abwaanka u gaar ah qofkii akhristaana waxay galinaysaa Xiiso gaar,
• Yartaan calmadee
• Carabkayga ka go’ilaay
• Waxaad tahay cir hooroo
• Shafka ciida dhigayoo
• Moqorkii callow ahaa
• Gelin cabaara dabadeed
• Cirif ka cirif xareedu
• Saafi ay ku curatay
• Carfiga saxansaxadiyo
• Ceelashu buuxsameen
• Caro san intuu dhigay
• Afar caanomaal kadib
• Tigaadoo cagaaroo
• Dhulka lagu cimaamaday
• Ubaxoo casuusoo
• Cuskanaya laamaha
• Caleemahu is qabsado
• Hoobaantu ciirayso
• Yartaan calmadee
• Cindigayga ka bixilaay
• Waxaad tahay cadceedoo
• Casar gaaban joogtoo
• Carceeriyeen daruuruhu
• Ku caabiday falaadhoo
• Cidhifkana uu dayaxii
• Ku caawiyey nuurkoo
• Cillaan u tahay jeegaantu
• Midabada cajiibkiyo
• Curinaysa kaladhada
• Cishadii timaadaba
• Inta rag ku caashaqa
• Ku caleema saariyo
• Inta dumar cuqdadiyo
• Luuli loo caymadiyo
• Aad ku dishay cadhada
• Ka badan camuuda
• Canbihiyo tufaaxiyo
• Cambaruud la moodyeey
• Cisiyo sharafbaad
• Labada cugatoo
• Caynkaad tahaybaan
• Hadal cimidhinoo
• Carab baan dhamayn Karin
AYAAN- DARAN
Inantii quruxdaay
Indho ubaxleeyey
Ilko dhuuxleeyey
Timo-haldhaa u eegley
Wejigeed iftiinley
Akhlaaq suubanleeyey
Ishaadu milicsiga
Ruuxaad ku abaartaa
Ashqaraar ma ledeyoo
Axadkaad u qososhaa
Sida mu’min aflaxoo
Loogu abshiriyey janada
Alfa goor ku mahadiyaa
Aniguna ayaamahaan
Kolba u abtiriyaayoo
Wallee axad ishqi ihelay
Kuma maqal aduunkee
Sida qorax ileyskeed
Ama olol baxaaaya
Indhahaygu jaleecada
Ingelina daawashadaa
Kuma eegi karaanoo
Waad ka awood badatee
Ayaantaanan ku arkin
Alhuuma jacaylkaa
Hadba aaraa I fartoo
Anoo abaabulanbaan
Markaan ku ag-istaagaba
Sida neef abaadey
Iga lumaan ereyadu
Aniguna ayaan daran
Oogtii bermuudaan
Moolkeeda aalaaye
Ha iiga tagin aramida
Waxaa maansooyinkaa iyo kuwa kaleba ay ka soo maaxdeen maskaxdii Abwaanka Da’da yare ee loo yaqaan C/qaadir Cabdi Xassan (Raam) abwaanka Ciddii u baahan waxay kala xidhidhi kartaa E-mailka raam006@hotmail.com
No comments:
Post a Comment