C.QAADIR WAXA UU KU DHASHAY DIRIDHABA ETHIOPIA
kadib kusoo noqoshadii dalka waxuu ku noolaa magaalada gebiley ee Gobolka Gabiley somaliland halkaasuu ka galay waxbarashadiisii dugsiga hoose/dhexe ee sh. Muxumed Warsame halkaasuu ka baxay fasalka sideedaad
kadib waxuu usoo wareegay magaalada Hargeisa oo uu ka galay secondary-ga dugsiga sare ee SUNSHINE SECONDARY SCHOOL oo
imiga qalinjabinayo,
wakhtigii ugu horey ee fanka uu bilaabay oo ku aadnaa markuu dhiganayey dugsigii dhexe ayuu sidoo kale uu xiisayn jiray inuu wax badan ka ogaado nolosha miyiga taasuu imiga diyaarinayo qoraalo
iyo buug uu kaga hadlayo nolosha geeljiraha iyo miyigaba
inkastoo fanka uu aad u xiisayn jiray oo uu had iyo goor dugsigiisii
dhexe iyo sareba alifi jiray ruwaayada uu kaga hadlayo tacliinta iyo dhaqankaba sidoo heestiisii ugu horeysay ee uu curiyo oo ku aadnayd fasalkiisii sideedaad ayaa waxay ahayd mid u furtay albaabkii suugaanta iyo himiladiisii hiigsanayey
heestiisii ugu horeysay waxay ahayd hees la odhan jiray
XIDIGTII HABLAHA KACAY
runtii waxa ku dhaliyey inan ay isku iskuul ahaayeen oo sheeko ka dhaxeysay u tiriryey
xuural-cayntii aduunkaay
xiligoo barwaaqaay
xariiirtiyo dahabkaay
xusuustii jacaylkaay
tusaalihii xishoodkaay
xulashadii hablahaay
xushmad lagu dheehaay
xabag-barsheedaay
inantii xaragadaay
xuduntii quruxdaay
xayndaabkii asluubtay
xidigtii hablaha kacaay
siduu xubigu ii helay
hurdo uma xiisoon
xalay iyo habeen
xidigahaab tirsanayey
ma xuural-cayntiiyoo
xay loo daawanayaa ?
xiribihiyo indhaheeda
xaashe'e deerada ah
ma xeradiisa dayaxoo
galsho isu xeeraa ?
xaragada talaabada
xubnaheeda laafyaha
ma xamar uguboo
xarfo dhex socdaa?
mise dhabi xanfar lushoo
kolba xag u liiciyo
xayaab rako laacoo
is xeydaaminayaa ?
timahani xanjaadkiyo
laba xusul dherersaday
ma xaadii goraygiyo
haldhaa soo xinaystaa ?
xiiqiyo haraadkana
deymadaada xalisee
ma biyo xarfanayiyo
xareed lagu oonbaxaa ?
xinjirtiyo dhiigiyo
xididaday raacdee
ma dhilawyahanka xagasare
geedaha isu xeeraa ?
xarafkeeda hadalkuna
xagay ka dhawaaqdaba
xabadkay rushaysee
ma xays hooray baa ?
MAAYADA ( HEES )
heestan la yidhaahdo maayada waxa igu dhaliyey inaan curiyo
maalin ayaa anigiyo laba inamood oon saaxiibo nahay aan tagnay aroos ka dhacayey magalada wajaale gelinkii danbena aan ka amba baxnay hargeysa
waxaan arooska joognaba waxaan mar kaliya indhahaygu qabteen inan la moodo leydh ka baxaya meel madow
sankeeda liidka ah suniyaasha qaansaha sanqaroorka ku yiil
runtii igu beeray dareen
taasoo sababtay inaan is barano iina sheegtay in iyana ay ka timid hargeisa xaafada new hargeisa magaceegana iigu sheegtay
mushtaaq balse habeenkaasii calaf iskuman yeelan inaan in badan sii wada sheekaysano oo gaadhigoogi ay markiiba raacday
meel dhool ku da'ayoo
miraaluhu darooroo
mayayguna barkadayoo
mahiigaan ku tiixoo
dirirkuna maansheeyey
gudgudena masruufay
maayadiyo durdurkiyo
mowjadiihii daadadku
u baratameen masaafad
moqorkiyo xareediyo
laasasku maaxdeen
oo maalmo jiifeen
mashxarada onkodkiyo
milicsiga hilaaciyo
musharax tahay cadceedu
dayaxuna minxiis yahay
oo isu meeray ilayskii
ayaan kugu maseeyaa
inanyahay marreegtad
igu seeto marteediyo
halkaad igu musbaartaan
wali aan ku maaganahee !
dhirtoo oo magooshoo
midhihii hoobaantuna
dhulka xubin kamiismeen
madheedhkiyo tufaaxiyo
geedahoo isu marmoo
milicsaday cadceedoo
laamahoo muuqaalka
dhaayahu marxabeeno
midigiyo bidix xidhay
ubax meesha guradiyo
muquuniyey guudkoo
badhba muunad leeyiin
sagalkiyo moodoo
muudsaday dhalaalkoo
midba dhinac ka nuurtoo
jeegaantoo midabadiyo
kaaha loogu maqaarey
muriyad dhulka u ah]
ayaan kugu maseeyaa
inanyahay mareegtaad
igu seeto marteediyo
halkaad igu musbaartaad
wali aan ku maaganahee
inkastoon malayn karin
meteli karin quruxdaa
gidi maantoo idil
hayeeshee midhbaan odhan
waxaad tahay qof maankiyo
maskaxdiisa kaashada
oo maaley aqoontoo
uguna muhato dheeroo
macluumaad xambaarsanoo
mufakir ah oo muraadleh
waana mu'min khaalisoo
muslimo lagu anqariyoo
marna xishood lagu gardadsho
maro xariira lagu qeydoo
mabsuud lagu daadihiyey
sida minitka saacadiyo
muraaxadoo kalaad
wadnaha ugu meertaa
mowjadaha dhiigaad
ku milantahayoo
midabkaagu waa nuur
milicsiga u rooneey
ma ogtahay mushtaaqey
mahadhada xusuustaan
hadba soo mirkacayaa !!!!
BAATIR IYO BAARQAB
waa hees lamaane ah oon curiyey kalana roganayaan nin iyo naag waxaanan leeyahay
NINKII :
sida baatir ayroo
dhul barwaaqo joogtoo
illuhu burqanayaanoo
berduhu is cidhiidhshay
bidhaanteeda leedahay
adaa bilic-haldhaaloo
bogeyga calanku
kaaga babanayaa
ku boqraye adigaan
caleenta bilicsan
baarka kuu sudhayaa
GABADHII :
sida baarqab awrkoo
boqol haraad la raacshoo
banka wada daaqiyiyo
cadceed soo baxaysaad
bidhaanteeda leedahay
adaa bilicda aarloo
bogeygu iftiinku
kaaga baxayaa
ku boqraye adigaan
ubaxani bilicsan
boga kuu sudhayaa
NINKII :
sida balanbaalistoo
belayada xareeday
babaaygu ku liicay
laanbalaan ku boodaad
bidhaanteeda leedahay
adigaan badweyntani
biyahani i muquuray
kaaga baaqayaa
ku boqraye adigaan
caleenta bilicsan
baarka kuu sudhaya
GABADHII :
sida ceel bardaaloo
bustaaanadeedii
barqo roobkii helay
biyo dhigay dhijaamahad
bidhaanteedii leedahay
beerkay adaa luloo
aragaaga bilanbaan
beryo quudan jiraye
ku boqraye adigaan
ubaxani bilicsan
boga kuu sudhayaa
BOQORADA (HEES)
heestan waxa igu dhaliyey inaan maalin maalmaha ka mid ah anigoo maraya wado ka mid wadooyinka suuqa weyn ee magaalada hargeisa a aan arkay inan qurux badan oo dhowr jeer oo horena aan arkay
taasoo naftayda ku dhalisey dareen kadib markay igu soo jaleecday
deymo jacayl waxaanan idhi
indho baarka ubaxiyo
sida meel barwaaqo ah
oo biyuhu durdurayaan
bogsiinaaya dhaayaha
baadashani fiiqanee
sida balanbaalis aroorhore
kasoo duushay bustaan
bidix midig u booday
timahani bilicsanee
baxsanee dhaadheeree
baalgoray sidiisii
babinayaan dabayluhu
yaa burciyo hargeisiyo
booramiyo gebileyiyo
boosaasiyo jig-jigiyo
bay iyo gaarisa
beryo kula negaada
midabkaagu bilaneey
sida meel banaanoo
beeruhu ku yaalaan
oo daruuro beegsadeen
baarkana cadceediyo
ileyskeedu badhxeen
moodaa bilicsaneey
sida bildhilataad
nafta aad bidhaaniyo
uba tahay bushaaaree
sida bildhalataad
nafta aad bidhaaniyo
uba tahay bishaaree
sida tahay bogeygiyo
boodboodka wadnahaygiyo
bidhiqsiga indhahaygiyo
dhegahayga bu'doodiyo
ayay bulsho weynta
indhahaygu bilaneey
aragaaga badsadaan
yaa badhaniyo ceerigaabo
guri kaaga beeroo
ubad kula barbaarshoo
noloshaaada bacadiyo
kuba tusin beenoo
beledkaa ku nastoo
beryo kula negaada
Alla boqoradaay
bilicdii haween
tii badh la siiyaay
hadii aan basaaso
yaa dhiigaag bilaney
burcad iiga dhigoo
beryo kugu dhaashada!
beri hadaan anbado
yaa bil nuuraysoo
bi'inaysa gudcurkiyo
bidhaan iiga kaa dhiga!
bacad hadaan haraado
gaajana ku biirto
yaa meel baadliyo
ilo biyo ah kaa dhiga!
hadii aan bukoodoon
belbeloon xanuunsado
yaa dawo badbaadiyo
i bogsiisa kaa dhiga !
bankii wajaaliyo
hawd banaan hadad tahay
yaa dhool bariyo
mahiigaan ku biyodhiga
hadaad tahay baftiyo
boqorkii la xidhanjiray
yaa bogiyo shafkiyo
beerkayga kugu tola!
hadaad tahay bustaan
yaa ka beera wadnahoo
dhiigayga beylah li'i
baxsaneey ku waraabsha !
yaa jacaylkani ibeegsaday
baaldahaba ku qoroo
shimbir baarka ugu dhiibo
beyd iga gaadhsiiya !!
yaa berisamaadkay
berberkay ku keenoo
sheeko kuu bilaabo
jacayl kuu bandhiga!!!!!!
C.QAADIR CABDI ( RAAM)
No comments:
Post a Comment