
runtii waxa ku dhaliyey inan ay isku iskuul ahaayeen oo sheeko ka dhaxeysay u tiriryey
xuural-cayntii aduunkaay
xiligoo barwaaqaay
xariiirtiyo dahabkaay
xusuustii jacaylkaay
tusaalihii xishoodkaay
xulashadii hablahaay
xushmad lagu dheehaay
xabag-barsheedaay
inantii xaragadaay
xuduntii quruxdaay
xayndaabkii asluubtay
xidigtii hablaha kacaay
siduu xubigu ii helay
hurdo uma xiisoon
xalay iyo habeen
xidigahaab tirsanayey
ma xuural-cayntiiyoo
xay loo daawanayaa ?
xiribihiyo indhaheeda
xaashe'e deerada ah
ma xeradiisa dayaxoo
galsho isu xeeraa ?
xaragada talaabada
xubnaheeda laafyaha
ma xamar uguboo
xarfo dhex socdaa?
mise dhabi xanfar lushoo
kolba xag u liiciyo
xayaab rako laacoo
is xeydaaminayaa ?
timahani xanjaadkiyo
laba xusul dherersaday
ma xaadii goraygiyo
haldhaa soo xinaystaa ?
xiiqiyo haraadkana
deymadaada xalisee
ma biyo xarfanayiyo
xareed lagu oonbaxaa ?
xinjirtiyo dhiigiyo
xididaday raacdee
ma dhilawyahanka xagasare
geedaha isu xeeraa ?
xarafkeeda hadalkuna
xagay ka dhawaaqdaba
xabadkay rushaysee
ma xays hooray baa ?
waaw waa hees fiican sxb aad ayaan ula dhacay runtii abwan ad u da'yar oo xikmad leh ayaad t ahay, waxanna waa hibo alle ku siyey, ee heesaha wadaniyadda iyo dorashada ayaa laga rabaa camow,,,,,
ReplyDeleteMowliid Maxamed Maxamud, hargeisa somaliland