MALOOLI MAANSO (C/QAADIR RAAM)

MALOOLI (MAANSO) abwaan ka da’da yar C/qaadir Raam,

Maansadan oo la magac baxday (Malooli) waxaa tiriyey Abwaankii Da’da yar ee lagu magacabo Abwaan C/qaadir Cabdi Xassan (RAAM) Malooli waa manso mug wayn oo ka hadlaysa xaaladaha wadanka hadda ka jira, maansadan oo xiiso badan: waatan




MALOOLI (MAANSO)



Madaxdii dalkeeniyo

Inta ah muxaafadiyo

Inta ah mucaarid

Murankiina badanbaa

Waxaan miisaynee

Lagu wada midoobee

Manka iyo caleemaha

Dhirta wada magooshaad

Majaxaabinaysaan





Hashu way magowdee

Maanta yaan la gaagixin





Ma ogtahay dadkeygoow

Cadaw kaa maqanbaa

Kugu soo maqanoo

Ma ogtahay abeesadu

Midabka dhulkeey

Isu muuqyihiinoo

Waxay maagantahayiyo

Misgaha ku goysaa





Hashu way magawdee

Maanta yaan la gaagixin





Hadaan mawdku ku helin

Maalmahani silsiladaa

Midba mid kuu dhiibtoo

Murugiyo farxadba

Waxa mawle qoriyo

Calafbaa ku maamulee

Micnahaagu yuu noqon

Meel la salaaxaba

Madaxbaa u sareeya









Mirkaca habeenkii

Meel aan dhowaynbaa

Leyga tusay muuqaaloo





Waxa ii muuqdaa

Ma miiraale rooboo

Maansheeya dhulkoo

Maaxato xareediyoo

Lagu wada mabsuudaa??





Mise duufaan xoogliyo

Mowjadihii badiyo

Masiibo soo socotoo

Lagu muusanoobaa??





Aan maleysto wixii roon

Daa’in baa mahadlee





Murtidaydu waxay tahay

Muuqaaguba ogow

Meesha uu ku bato

Muunadaada luntee





Inkastoo masaajidiyo

Meelwalba salaada

Miduun yahay imaamku

Suuraduu marinaayo

Haduu ku margado

Muxaafidiintiyo

Dadka inta meeldhowbaa

Miyir ugu sheegee

Ninka midig istaagow

Kamid maha diintee

Macnahaagu waamaxay





Ana maansadaydiyo

Murtidaydu waxay tahay





Maaliyo aduuniyo

Adoon minan lahayn

Dumar lama majeertee





Adoon muftiyo ahayn

Macalinkii diineed

Minbar lama fuulee





Adoon maydhax diiran

Misana aan soohin

Meegaarka gurigiyo

Xeer kuma meertide





Ana maansadaydiyo

Murtiday waxay tahay





Inkastooy milicsiga

Mida qurux urooniyo

Ay ahayd madhaafaan

Lama mehersaninoo

maseyriyoo qeylay

ku sii miltayoo

milgihii gabdheedna

maanta ay ku weyday





intaad manfaciyo

muus beerleedahaad

miinoo aasaysaaye

hadaad mashaqiyo

meydkoo bata aad

melab ku helayso

mey kuu dhadhamaysaa

hashu wey magowdee

maanta yaan la gaagixin





ana maansadaydiyo

murtidaydu waxay tahay





malooli sidiisaba

hawl uma madhxayso

maqashana gidigeed

midhba waanu ku lahayn

No comments:

Post a Comment