
AFARTAN HEESOOD, WAA AFAR HEESOOD OO MARXALADO BADAN KA TURJUMAYA, WAXAY U KALA BAXAYAAN AMAAN, ABUUR DAABICIYA OO ILAAHAY SAMEEYEY, WAAYO JACAYL, IYO IL NAXARIISEED, WAXAANA CURIYEY ABWAAN CABDIQAADIR CABDI XASSAN RAAM OO DAGGAN MAGAALO MADAXDA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
Dhulkoo ay xareediyo
Mayeygii ku dhuftiyo
Dhibicdu ay qoysoo
Dhirtuna bilic leedoo
Mayeygii ku dhuftiyo
Dhibicdu ay qoysoo
Dhirtuna bilic leedoo
Dhabigoo liicliicayoo
Dabayshu ay ku dheeshiyo
Maayeerta dheeriyo
Dhosoqoo isna meel fog
Dhaayaha uga muuqdiyo
Dhumay iyo eeridiyo
Dheentiyo berdihiyo
Dhigridiyo daanyadiyo
Dhadhaabiyo bilcinkiyo
Dharkeyniyo xamartiyo
Dhediniyo madheedhkiyo
Dhabastiyo cadaadiyo
Dhuurtiyo xayaabkiyo
Dhilawyahanka geedaha
Dhanka sare isu mariyo
Dhuwaniyo laamaloosh
Dhool subax heliyo
Dharabku uu dul yuururo
Dhooleey waxaad tahay
Biyo meel dhaxsiisiyo
Dhijaamada xarfanayee
Laamaha ku soo dhacay
Ay dhirbaaxayaanoo
Ubaxyadii dhashayna
Dhabankooda midabadu
Ay is dhexgeleenoo
Dhegihii balaadhshee
Dhooleey waxaad tahay
Halahoo dhaadsanaiyo
Dhogoryaraha geeliyo
Saca dhiinka ahee
Dhudhubada lugaha
Kula dhex jira xarediyo
Qoraxdoo dhankeedii
Dhigatay baalashoo
Dhacadiid u jiiftee
Dharaariyo habeenba
Waxa dheygag xusuus
Dhabanada la heystaa
Hadba dhinac ka eegaa
Siduu alle kuu dhigee
Dhigiyo asaagaa
Quruxdaad ku dhaaftee
Dhooleey waxaad tahay
Dhabeeliyo gaari iyo
Midaan dhaliil lahaynoo
Diinta ku dheeroo
Dhaban aad u wacaniyo
Qurux dhaaya jiidoo
Lagu wada dhadhabayoo
Dhexda taaka qabadka
Midabkaaga dheehale
Tinta dhalaalaysee
Dhererka miciinsatee
Ee dhabarka joogaan
Hadaad hunguridhabaqiyo
Dhuunta ii maraysoo
Waan ku dhaadhicinlaayo
Qalbigaad dhilataad
Ku dhex dhigi lahaayoo
Kugu dhowran lahaa
Anoon xaraf dhibceynjirin
Ama duldhigin xarakada
Oo qalinku I dhabayaan
Ka dhargi waa amaantaa
Ana kuguma dheeraan
Kuma dhihin xaraf wacan
Wixii laabta dhignaana
Dhibic kaala bakhaylin
Dhooleey waxaad tahay
Dhigta jeegaantiyo]
Dhemantiyo dahabkee
Dhuuxiyo lafihiyo
Dhankastaba jidhkeyga
Adigaa dhalaashoo
Dhinbiilaha ku shidayee
Qalbigaad dheyeysaa
Dhaxantaad deyeysaa
Jacaylkani dhutinayaad
Dhidib aad u tahayee
Dhugashada eegmada
Waxaad iiga dhigantahay
Dhulkeenoo barwaaaqadu
Ramadku uu dhaloo
Rayskuna dhinacyada
Dhabta ay isu hayoo
Dhowrcishiyo maalmaha
Dharaartaanan ku arkin
Baxnaanadu igu dheeraa
Ma dhaanka sahanoo
Aan dhamaanayniyo
Badweynbaad dhurayaa ??
Ma dhabo la marayoo
Dhiigu daadsanyaad
Igu dhaqaajinaysaaa
Dhirtaxanyaduba ogow
Dhaawaca lug ku yimid
Uma dhutinaysee
Hadaan isu dhegnaano
Isla dhadhamino waayaha
Wado dhano caashaqa
Kala dheeraan maynee
Jacaylkana dhantaaliyo
Ka illaahi dhaawacoo
Oo dhowr maalmaha
Dunidu dhamaanteed
Waa gelin dhacaayiyo
Dharaar soo iftiintee
Sida dhayda caanaha
Dheyda loola doontaa
Anigana dhankaagiyo
Dhakhtar iigu kaa qoray
JOWHARAD
Sida jeedhajeedhoo
Udug kula jiidhiyo
Jaleelada geedoo
Jeenigay isu haysiyo
Jillab xoolo daaqaan
Oo jaleecada geedaha
Canjeel joog-dheeriyo
Jiic ul laga qoriyo
Ajarsaha jirku naco
Jeeriniyo nedekhiyo
Jirmadiyo berdihiyo
Jiiqiyo coboshiyo
Jiridii xayramadiyo
Jaleefantoo baxdee
Jawiguna haboonyoo
Jeegaanta roobkiyo
Daruuraha dul joogsaday
Ay jugta danabkiyo
Hilaacii jeexmay
Isu jiibiyaanooy
Jilbo dhigtay xareeduyoo
Caraduna jilicdoo
Doogu uu dul jiif saday
Jeego-dhigtay qoraxdu
Inta ay janjeersatay
Jaaha iftiinkeediyo
Kala jiiday falaadhaha
Oo jaarkeedu dayaxu
Cirka meel uu joogsadiyo
Jago ka samaystayoo
Soo jeedka cawayskii
Meel jafliyo dhaantiyo
Jaanta leysu beegiyo
Nuurka aan ka joojineyn
Ama jufoo beerihii
Hadhuudhkii joogsadiyo
Jararkii ceel xadiyoo
Bustaanada jiitamay
Joogteeyey roobkuye
Durdur gu iyo jiilaal
Kala joogsanaynoo
Ama wabigii juboo
Jeertiyo yaxaaskuba
Ay wada jibaaxaan
Jasiiradii sacaadadiin
Oo jaxeedhku daaqiyo
Agamsahoo jihoonka
Babaaygu uu ku soo jabay
Geenyo jarabaraneey
Jowharad la moodyeey
Jamaalka sideedaa
Kama jeedsanaayoo
Jalbeebta haasaawaha
Markaad joogto agtayda
Wadnahaygu jeexbuu
Jacaylku ku fiilaayoo
Jeedaalada waxad tahay
Joohaar iftiinteee
Ila jiid waadaantaa
BAAL-DAHAB
Marka ay barwaaqadu
Baalasha dhigatee
Dhool bari ka toosay
Inta uu isbiirsaday
Di’idii bilaaboo
Borotameen dhibcuhu
Oo badankood heegadu
Isu wada baaqeenoo
Cirkii buluuga ahaaa
Baladhkiisa qariyeen
Oo biligta hilaaciyo
Onkod isu beegmeen
Ooy dhulka boodhiyo
Ka ilaasheen basaasoo
Biyihii ku radiyeen
Bilaneey waxaad tahay
Baliyo meel baadloo
Xooluhu biileen
Biilaale gooniyo
Baarcad maadh-weydiyo
Buriyo saxatidiyo
Ay tigaadu baxdoo
Diixiyo baldhoolahoo
Boga isku hayoo
Xarfaduna barkatoo
Dugsanaya bardahoo
Kala bixiyey laamahoo
Bilcinkiyo dhabiguna
Iska garab baxeenoo
Billaneey waxad tahay
Midhahoo bislaadiyo
Ubaxoo bahooboo
Badhba gees u jeesteen
Sida bilis habloodoo
Baalaha xinaystoo
Baarkana caseeyoo
Ay balanbaalistu
Kolba mid ku boodoo
Bilaneey waxaad tahay
Il buur dusheedii
Kasoo burqanaysoo
Biyihii durdurayey
Agteeda bustaaniyo
Beera laga samaystoo
Bahaladiyo ugaadhiyo
Balxasheen xooluhiyoo
Lagu wada oonbaxay
Billaneey waxaad tahay
Qorax soo baxaysoo
Bururisay dhedadoo
Falaadhahana baahisoo
Oon duhurkii bacadiyo
Kul badan lahaynoo
Barbarkooda daruuruhu
Sida boqor la doortay
Bari kasoo galbiyeenoo
Bilaneey waxaad tahay
Sida shinbirka baaskoo
Bulbushiisa gilgiloo
Beryo samo ku nooloo
Dusha uga baxay dhirtoo
Indhalaliska beegsiga
Bidhaansada meel fogoo
Bilaneey waxaad tahay
Qaajiyo bulaaliyo
Boosiyo meydaliyo
Xamariyo barooriyo
Boodiyo caynaboo
Isla borotamaayoo
Oon meel lagu bi’iyo
Bar dagaal la geynoo
Bogcad leh tigaadiyo
Belayada xareeda ah
Barbarkooga daaqoo
Oo beeshu nabad tahay
Barbaartiyo dhalintu
Barxadaa cawayskii
Leysu soo baxaayoo
Baar cadiyo dhaantada
Jiibta leysu beegoo
Jaanta leysu beegoo
Labadii isu baahnaa
Balan ay u noqotoo
Suniyaal biciidley
Timo baal goray ley
Bilic haldhaaley
Midab olol baxayiyo
Bildhalatay u eegey
Afku bar madow yahay
Bogan waayey gama’oo
Badhtamaha habeenkii]
Adaa boga mirtoo
Ka bogsanwaayey ishqiga
Adaa beerkay shitoo
Laabtay bireeyee
Xaalkaagaan bilaneey
Hadba ka bardadaayoo
Waxaan beegso leeyahay
Barta aad ku nooshahay
Anigoon ku boojimeyn
Waxaan kaaga baaqayaa
Booraan jacayleee
Adiguna bidhaantiyo
Quruxdiyo bilnaantaad
Baaldahaba ka gashay
Anigana bilaneey
Jacaylkani I beegsaday
Ma baabula aaroo
Banaan iga helaybaa !!
Ma badweyn tolow
Aan baaxadagaayaa !!
QALANJO
Sida qaaje farasoo
Qarqariyo seetiyo
Bustaan lagu qoofashoo
Oon qululiyo hayaaniyo
Qumac dagaal tagin
Ama qaanso roobaad
Qabsatay cidhif yada
Ama qorax arooryaad
Subax leyla qadareey
Indhahu qabtaaanooy
Qalanjooy waxad tahay
Balanbaalis qalimo loo
Ubaxyada qaarkood
Qarka sare yuururtoo
Qudhac iyo galooliyo
Quudiyo berdihiyo
Quduriyo xamariyo
Qeydariyo dhebi iyo
Qarari iyo gobkoo
Roobku uu ka qaadoo
Hadii ay is qabsadaan
Adigaa quusiyee
Qiimihiyo tilmaamtiyo
Hablihii qureysheed
Quruxdooda adigaa
Qalanjooy bilic dheer
Qalbigayga adigaa
Qoxiyo laangoba
Intaad isu qabatay
Xulado iga qiiqshee
Qaashiy adaa seef
Bogayga ku qashoo
Wadnahayga qoliyo
Qalcad ka dhistooo
I qaadaa dhigaayee
Xidadada dhiga qaadiyo
Qeybaha jidhkeygaad
Qori isugu dhiibtoo
Dagaalbay iga qarxee
Inaan qoslaayo iyo
Inaan qiiraysnahaa
Isaga kay qaldane
Xiligoo qaboonoo
Gowraha qaboobiyo
Dadku qadhqadhayuu
Dhididku I qariyaa
Qalbigii ku raacoo
Adigaa qaatayoo
Qof hada joogoo
Qaaliyeey maqanoo
Qeybsamaan noqdaye
Qumanow jacaylow
Marnaqaxar la sheegow
Marna qoys yagleeloow
Hilaadi aad qeysiyo
Cilmi qabriga dhigtaa
Hadalqaadkaagiyo
Qof ba ugu danbeeyee
Waatii baalku kaa qoye
Lagu qiimayn waayee
Ninkastoo soo qoystaba
Macaan intaad u qaladay
Aad qadhaadh waraabisay
Anigana qaraariyo
Midaad igu qasbeysaa
Alla qaayo weynaaa
Dabayshu ay ku dheeshiyo
Maayeerta dheeriyo
Dhosoqoo isna meel fog
Dhaayaha uga muuqdiyo
Dhumay iyo eeridiyo
Dheentiyo berdihiyo
Dhigridiyo daanyadiyo
Dhadhaabiyo bilcinkiyo
Dharkeyniyo xamartiyo
Dhediniyo madheedhkiyo
Dhabastiyo cadaadiyo
Dhuurtiyo xayaabkiyo
Dhilawyahanka geedaha
Dhanka sare isu mariyo
Dhuwaniyo laamaloosh
Dhool subax heliyo
Dharabku uu dul yuururo
Dhooleey waxaad tahay
Biyo meel dhaxsiisiyo
Dhijaamada xarfanayee
Laamaha ku soo dhacay
Ay dhirbaaxayaanoo
Ubaxyadii dhashayna
Dhabankooda midabadu
Ay is dhexgeleenoo
Dhegihii balaadhshee
Dhooleey waxaad tahay
Halahoo dhaadsanaiyo
Dhogoryaraha geeliyo
Saca dhiinka ahee
Dhudhubada lugaha
Kula dhex jira xarediyo
Qoraxdoo dhankeedii
Dhigatay baalashoo
Dhacadiid u jiiftee
Dharaariyo habeenba
Waxa dheygag xusuus
Dhabanada la heystaa
Hadba dhinac ka eegaa
Siduu alle kuu dhigee
Dhigiyo asaagaa
Quruxdaad ku dhaaftee
Dhooleey waxaad tahay
Dhabeeliyo gaari iyo
Midaan dhaliil lahaynoo
Diinta ku dheeroo
Dhaban aad u wacaniyo
Qurux dhaaya jiidoo
Lagu wada dhadhabayoo
Dhexda taaka qabadka
Midabkaaga dheehale
Tinta dhalaalaysee
Dhererka miciinsatee
Ee dhabarka joogaan
Hadaad hunguridhabaqiyo
Dhuunta ii maraysoo
Waan ku dhaadhicinlaayo
Qalbigaad dhilataad
Ku dhex dhigi lahaayoo
Kugu dhowran lahaa
Anoon xaraf dhibceynjirin
Ama duldhigin xarakada
Oo qalinku I dhabayaan
Ka dhargi waa amaantaa
Ana kuguma dheeraan
Kuma dhihin xaraf wacan
Wixii laabta dhignaana
Dhibic kaala bakhaylin
Dhooleey waxaad tahay
Dhigta jeegaantiyo]
Dhemantiyo dahabkee
Dhuuxiyo lafihiyo
Dhankastaba jidhkeyga
Adigaa dhalaashoo
Dhinbiilaha ku shidayee
Qalbigaad dheyeysaa
Dhaxantaad deyeysaa
Jacaylkani dhutinayaad
Dhidib aad u tahayee
Dhugashada eegmada
Waxaad iiga dhigantahay
Dhulkeenoo barwaaaqadu
Ramadku uu dhaloo
Rayskuna dhinacyada
Dhabta ay isu hayoo
Dhowrcishiyo maalmaha
Dharaartaanan ku arkin
Baxnaanadu igu dheeraa
Ma dhaanka sahanoo
Aan dhamaanayniyo
Badweynbaad dhurayaa ??
Ma dhabo la marayoo
Dhiigu daadsanyaad
Igu dhaqaajinaysaaa
Dhirtaxanyaduba ogow
Dhaawaca lug ku yimid
Uma dhutinaysee
Hadaan isu dhegnaano
Isla dhadhamino waayaha
Wado dhano caashaqa
Kala dheeraan maynee
Jacaylkana dhantaaliyo
Ka illaahi dhaawacoo
Oo dhowr maalmaha
Dunidu dhamaanteed
Waa gelin dhacaayiyo
Dharaar soo iftiintee
Sida dhayda caanaha
Dheyda loola doontaa
Anigana dhankaagiyo
Dhakhtar iigu kaa qoray
JOWHARAD
Sida jeedhajeedhoo
Udug kula jiidhiyo
Jaleelada geedoo
Jeenigay isu haysiyo
Jillab xoolo daaqaan
Oo jaleecada geedaha
Canjeel joog-dheeriyo
Jiic ul laga qoriyo
Ajarsaha jirku naco
Jeeriniyo nedekhiyo
Jirmadiyo berdihiyo
Jiiqiyo coboshiyo
Jiridii xayramadiyo
Jaleefantoo baxdee
Jawiguna haboonyoo
Jeegaanta roobkiyo
Daruuraha dul joogsaday
Ay jugta danabkiyo
Hilaacii jeexmay
Isu jiibiyaanooy
Jilbo dhigtay xareeduyoo
Caraduna jilicdoo
Doogu uu dul jiif saday
Jeego-dhigtay qoraxdu
Inta ay janjeersatay
Jaaha iftiinkeediyo
Kala jiiday falaadhaha
Oo jaarkeedu dayaxu
Cirka meel uu joogsadiyo
Jago ka samaystayoo
Soo jeedka cawayskii
Meel jafliyo dhaantiyo
Jaanta leysu beegiyo
Nuurka aan ka joojineyn
Ama jufoo beerihii
Hadhuudhkii joogsadiyo
Jararkii ceel xadiyoo
Bustaanada jiitamay
Joogteeyey roobkuye
Durdur gu iyo jiilaal
Kala joogsanaynoo
Ama wabigii juboo
Jeertiyo yaxaaskuba
Ay wada jibaaxaan
Jasiiradii sacaadadiin
Oo jaxeedhku daaqiyo
Agamsahoo jihoonka
Babaaygu uu ku soo jabay
Geenyo jarabaraneey
Jowharad la moodyeey
Jamaalka sideedaa
Kama jeedsanaayoo
Jalbeebta haasaawaha
Markaad joogto agtayda
Wadnahaygu jeexbuu
Jacaylku ku fiilaayoo
Jeedaalada waxad tahay
Joohaar iftiinteee
Ila jiid waadaantaa
BAAL-DAHAB
Marka ay barwaaqadu
Baalasha dhigatee
Dhool bari ka toosay
Inta uu isbiirsaday
Di’idii bilaaboo
Borotameen dhibcuhu
Oo badankood heegadu
Isu wada baaqeenoo
Cirkii buluuga ahaaa
Baladhkiisa qariyeen
Oo biligta hilaaciyo
Onkod isu beegmeen
Ooy dhulka boodhiyo
Ka ilaasheen basaasoo
Biyihii ku radiyeen
Bilaneey waxaad tahay
Baliyo meel baadloo
Xooluhu biileen
Biilaale gooniyo
Baarcad maadh-weydiyo
Buriyo saxatidiyo
Ay tigaadu baxdoo
Diixiyo baldhoolahoo
Boga isku hayoo
Xarfaduna barkatoo
Dugsanaya bardahoo
Kala bixiyey laamahoo
Bilcinkiyo dhabiguna
Iska garab baxeenoo
Billaneey waxad tahay
Midhahoo bislaadiyo
Ubaxoo bahooboo
Badhba gees u jeesteen
Sida bilis habloodoo
Baalaha xinaystoo
Baarkana caseeyoo
Ay balanbaalistu
Kolba mid ku boodoo
Bilaneey waxaad tahay
Il buur dusheedii
Kasoo burqanaysoo
Biyihii durdurayey
Agteeda bustaaniyo
Beera laga samaystoo
Bahaladiyo ugaadhiyo
Balxasheen xooluhiyoo
Lagu wada oonbaxay
Billaneey waxaad tahay
Qorax soo baxaysoo
Bururisay dhedadoo
Falaadhahana baahisoo
Oon duhurkii bacadiyo
Kul badan lahaynoo
Barbarkooda daruuruhu
Sida boqor la doortay
Bari kasoo galbiyeenoo
Bilaneey waxaad tahay
Sida shinbirka baaskoo
Bulbushiisa gilgiloo
Beryo samo ku nooloo
Dusha uga baxay dhirtoo
Indhalaliska beegsiga
Bidhaansada meel fogoo
Bilaneey waxaad tahay
Qaajiyo bulaaliyo
Boosiyo meydaliyo
Xamariyo barooriyo
Boodiyo caynaboo
Isla borotamaayoo
Oon meel lagu bi’iyo
Bar dagaal la geynoo
Bogcad leh tigaadiyo
Belayada xareeda ah
Barbarkooga daaqoo
Oo beeshu nabad tahay
Barbaartiyo dhalintu
Barxadaa cawayskii
Leysu soo baxaayoo
Baar cadiyo dhaantada
Jiibta leysu beegoo
Jaanta leysu beegoo
Labadii isu baahnaa
Balan ay u noqotoo
Suniyaal biciidley
Timo baal goray ley
Bilic haldhaaley
Midab olol baxayiyo
Bildhalatay u eegey
Afku bar madow yahay
Bogan waayey gama’oo
Badhtamaha habeenkii]
Adaa boga mirtoo
Ka bogsanwaayey ishqiga
Adaa beerkay shitoo
Laabtay bireeyee
Xaalkaagaan bilaneey
Hadba ka bardadaayoo
Waxaan beegso leeyahay
Barta aad ku nooshahay
Anigoon ku boojimeyn
Waxaan kaaga baaqayaa
Booraan jacayleee
Adiguna bidhaantiyo
Quruxdiyo bilnaantaad
Baaldahaba ka gashay
Anigana bilaneey
Jacaylkani I beegsaday
Ma baabula aaroo
Banaan iga helaybaa !!
Ma badweyn tolow
Aan baaxadagaayaa !!
QALANJO
Sida qaaje farasoo
Qarqariyo seetiyo
Bustaan lagu qoofashoo
Oon qululiyo hayaaniyo
Qumac dagaal tagin
Ama qaanso roobaad
Qabsatay cidhif yada
Ama qorax arooryaad
Subax leyla qadareey
Indhahu qabtaaanooy
Qalanjooy waxad tahay
Balanbaalis qalimo loo
Ubaxyada qaarkood
Qarka sare yuururtoo
Qudhac iyo galooliyo
Quudiyo berdihiyo
Quduriyo xamariyo
Qeydariyo dhebi iyo
Qarari iyo gobkoo
Roobku uu ka qaadoo
Hadii ay is qabsadaan
Adigaa quusiyee
Qiimihiyo tilmaamtiyo
Hablihii qureysheed
Quruxdooda adigaa
Qalanjooy bilic dheer
Qalbigayga adigaa
Qoxiyo laangoba
Intaad isu qabatay
Xulado iga qiiqshee
Qaashiy adaa seef
Bogayga ku qashoo
Wadnahayga qoliyo
Qalcad ka dhistooo
I qaadaa dhigaayee
Xidadada dhiga qaadiyo
Qeybaha jidhkeygaad
Qori isugu dhiibtoo
Dagaalbay iga qarxee
Inaan qoslaayo iyo
Inaan qiiraysnahaa
Isaga kay qaldane
Xiligoo qaboonoo
Gowraha qaboobiyo
Dadku qadhqadhayuu
Dhididku I qariyaa
Qalbigii ku raacoo
Adigaa qaatayoo
Qof hada joogoo
Qaaliyeey maqanoo
Qeybsamaan noqdaye
Qumanow jacaylow
Marnaqaxar la sheegow
Marna qoys yagleeloow
Hilaadi aad qeysiyo
Cilmi qabriga dhigtaa
Hadalqaadkaagiyo
Qof ba ugu danbeeyee
Waatii baalku kaa qoye
Lagu qiimayn waayee
Ninkastoo soo qoystaba
Macaan intaad u qaladay
Aad qadhaadh waraabisay
Anigana qaraariyo
Midaad igu qasbeysaa
Alla qaayo weynaaa
No comments:
Post a Comment