MAAYADA ( HEES )heestan la yidhaahdo maayada waxa igu dhaliyey inaan curiyomaalin ayaa anigiyo laba inamood oon saaxiibo nahay aan tagnay aroos ka dhacayey magalada wajaale gelinkii danbena aan ka amba baxnay hargeysawaxaan arooska joognaba waxaan mar kaliya indhahaygu qabteen inan la moodo leydh ka baxaya meel madowsankeeda liidka ah suniyaasha qaansaha sanqaroorka ku yiilruntii igu beeray dareentaasoo sababtay inaan is barano iina sheegtay in iyana ay ka timid hargeisa xaafada new hargeisa magaceegana iigu sheegtaymushtaaq balse habeenkaasii calaf iskuman yeelan inaan in badan sii wada sheekaysano oo gaadhigoogi ay markiiba raacday
meel dhool ku da'ayoo
miraaluhu darooroo
mayayguna barkadayoo
mahiigaan ku tiixoo
dirirkuna maansheeyey
gudgudena masruufay
maayadiyo durdurkiyo
mowjadiihii daadadku
u baratameen masaafad
moqorkiyo xareediyo
laasasku maaxdeen
oo maalmo jiifeen
mashxarada onkodkiyo
milicsiga hilaaciyo
musharax tahay cadceedu
dayaxuna minxiis yahay
oo isu meeray ilayskii
ayaan kugu maseeyaa
inanyahay marreegtad
igu seeto marteediyo
halkaad igu musbaartaan
wali aan ku maaganahee !
dhirtoo oo magooshoo
midhihii hoobaantuna
dhulka xubin kamiismeen
madheedhkiyo tufaaxiyo
geedahoo isu marmoo
milicsaday cadceedoo
laamahoo muuqaalka
dhaayahu marxabeeno
midigiyo bidix xidhay
ubax meesha guradiyo
muquuniyey guudkoo
badhba muunad leeyiin
sagalkiyo moodoo
muudsaday dhalaalkoo
midba dhinac ka nuurtoo
jeegaantoo midabadiyo
kaaha loogu maqaarey
muriyad dhulka u ah]
ayaan kugu maseeyaa
inanyahay mareegtaad
igu seeto marteediyo
halkaad igu musbaartaad
wali aan ku maaganahee
inkastoon malayn karin
meteli karin quruxdaa
gidi maantoo idil
hayeeshee midhbaan odhan
waxaad tahay qof maankiyo
maskaxdiisa kaashada
oo maaley aqoontoo
uguna muhato dheeroo
macluumaad xambaarsanoo
mufakir ah oo muraadleh
waana mu'min khaalisoo
muslimo lagu anqariyoo
marna xishood lagu gardadsho
maro xariira lagu qeydoo
mabsuud lagu daadihiyey
sida minitka saacadiyo
muraaxadoo kalaad
wadnaha ugu meertaa
mowjadaha dhiigaad
ku milantahayoo
midabkaagu waa nuur
milicsiga u rooneey
ma ogtahay mushtaaqey
mahadhada xusuustaan
hadba soo mirkacayaa !!!!
waa hees aad u qiimo badan oo aan ka helay runtii aad ayaanan ku hanbalyeynayaa suugaantaada
ReplyDeleteasalaamu caleykum walaal macaane raam heestaad curisay waa hees isoo jiidatay run ahaantii aniga nafsad ahaanteyda waxaan ahay Abwaan iska da'yar hayeeshee sidaad wax u curineyso iyo qaabkey maansadada u dhaceyso waa qaabkii Abwaan Hadraawi. masha Allah sxb noolow waligaada.
ReplyDeletemahadsanid raam