XIDIGTII HABLAHA KACAY (abwaan cabdiqadir cabdi raam)

XIDIGTII HABLAHA KACAY (abwaan cabdiqadir cabdi raam)
runtii waxa ku dhaliyey inan ay isku iskuul ahaayeen oo sheeko ka dhaxeysay u tiriryey

xuural-cayntii aduunkaay
xiligoo barwaaqaay
xariiirtiyo dahabkaay
xusuustii jacaylkaay
tusaalihii xishoodkaay
xulashadii hablahaay

xushmad lagu dheehaay
xabag-barsheedaay
inantii xaragadaay
xuduntii quruxdaay
xayndaabkii asluubtay
xidigtii hablaha kacaay

siduu xubigu ii helay
hurdo uma xiisoon
xalay iyo habeen
xidigahaab tirsanayey
ma xuural-cayntiiyoo
xay loo daawanayaa ?

xiribihiyo indhaheeda
xaashe'e deerada ah
ma xeradiisa dayaxoo
galsho isu xeeraa ?

xaragada talaabada
xubnaheeda laafyaha
ma xamar uguboo
xarfo dhex socdaa?

mise dhabi xanfar lushoo
kolba xag u liiciyo
xayaab rako laacoo
is xeydaaminayaa ?

timahani xanjaadkiyo
laba xusul dherersaday
ma xaadii goraygiyo
haldhaa soo xinaystaa ?

xiiqiyo haraadkana
deymadaada xalisee
ma biyo xarfanayiyo
xareed lagu oonbaxaa ?

xinjirtiyo dhiigiyo
xididaday raacdee
ma dhilawyahanka xagasare
geedaha isu xeeraa ?

xarafkeeda hadalkuna
xagay ka dhawaaqdaba
xabadkay rushaysee
ma xays hooray baa ?


Taariikh nololeed



IL YAAS MAXAMED SH. FAARAH


Ilyaas maxamed sh. Faarah waa mid kamid ah hal-abuurada da’da yar ee somaliland u soo kacaya
Waxuu ku dhashay magaalada hargeisa somaliland
Sanadihii ku aadna dagaaladii faraha lagaga gubtay ee halgankii dib u xoraynta dalka ee SNM

Waxuu leeyahay maansooyin iyo heeso farabadan
Taasuu kaga hadlo dhaqanwanaaga , dhibaatooyinka tahriibka iyo sidoo kale qaar dhalinyarnimo haday tahay
Dhinaca jacaylkaba




SUNSHINE

Heestani waxuu u curiyey dugsigiisii sare ee sunshine secondary kana jeediyey fagaare xafladeed waxaanu yidhi

qofba wuxu samaysta
ama saaka jooga
dhagta kala socdaa
cadceed soo baxdoo
loo wada sacibiyoo
sun shine weeyi

sumadiisu waxay tahay
arday soo kalahdoo
safka ku xaadiroo
saddex macalina
sullub a horreeye
sareeye uga sheekayo
suuganta u yara taabto
casharada loo saaro
xiisadaha soo qaato
fassaxaad soo rawaxoo
basisi sii dhuftaano
si diran loo dhigo
sun shine weeyi


sumadiisu waxay tahay
snackbar qurux badanoo
laga wada suneeyo
dadka saaka jooga
si fudud u galaano
saanbuusaha iyo buskudka
saanweejka iyo shaanida
laga soo qaato
sun shine weeyi

sifiihsu wuxu yahay
subaxdaan u soo kacaba
arday soo qulqulaysoo
ku socda maamulahoo
iskuulada soo maroo
ku danbeeya kanoo
sun shine weeye


arday soo galaysaa
salaan laga qaadaa
soo dhawow lagu yidhaa
sooryo loo fidayaa
arday sii tagaysaa
sacabka la maqashiiya
haflad baa loo sameeya
waa loo sare istaaga
markay soo galayaana
ubax baa la saara
sawir iyo xusuus baa
laga sii reebtaa
habeenkaa sidaasa
waa arday socotee
ducaa lagu sogootiyaa
sacad iyo sameeraay
iskuulkeenu waa sidaas


qof safray oo tagay
yurubna ka soo hadlay
shahaado ka soo qaatay
ku soo noqday dalkiisa
qofkaaga sidaasa
ducaa lagu sogootiyey

yaa suudh iyo shaadh
macalimiinta u sudha
yaa caydaruus iyo saxiibkee
sucuudiga yar geeya’
yaa c.rashiid soomali
suugaanta ka barta
yaa sullub iyo mamulaha
midba sawir la gala
allow yaa magaca iskuulka
sacabka noogu qora


waligaa socod iyo
Subject dayn maysid
Duni seerkaleey
Qalin waa sareeya
Laysu dhaafay tacliin
Seero iyo qabiilkeed
Laga tagay sanad hore

Marka hore schoolkii
Loo yaqeenay sun shine
Marka xiga siduu yahay
Waxa aadmi siri kara
Nin saaka aqoonle
Aqoonyahanada sarsariyo
Salaandiinta iyo uqaasha
Inay saf ku galaano
Soomaali oo dhan
Inay ku soo tilmaamaan
Ayaan rabi ka sugayaa


Sidaa iyo sidaa weeyi
School wanaagsan weeyi
Sun shine weeyi


Ifka ayaamo sii joog
Sii dhisnow sii nagaad
Sii fid sii durug
Allow sii wanaaji
Aamin Aamin..



DHAQANKA HABLAHA MAANTA
Maansadani waxuu kaga hadlayaa hablaha maanta nool iyo dhaqankooda waxaanu yidhi


qofba wuxu samaysta
ama saaka jooga
dhagta kala socdaa
cadceed soo baxdoo
loo wada sacibiyoo
sun shine weeyi

sumadiisu waxay tahay
arday soo kalahdoo
safka ku xaadiroo
saddex macalina
sullub a horreeye
sareeye uga sheekayo
suuganta u yara taabto
casharada loo saaro
xiisadaha soo qaato
fassaxaad soo rawaxoo
basisi sii dhuftaano
si diran loo dhigo
sun shine weeyi


sumadiisu waxay tahay
snackbar qurux badanoo
laga wada suneeyo
dadka saaka jooga
si fudud u galaano
saanbuusaha iyo buskudka
saanweejka iyo shaanida
laga soo qaato
sun shine weeyi

sifiihsu wuxu yahay
subaxdaan u soo kacaba
arday soo qulqulaysoo
ku socda maamulahoo
iskuulada soo maroo
ku danbeeya kanoo
sun shine weeye


arday soo galaysaa
salaan laga qaadaa
soo dhawow lagu yidhaa
sooryo loo fidayaa
arday sii tagaysaa
sacabka la maqashiiya
haflad baa loo sameeya
waa loo sare istaaga
markay soo galayaana
ubax baa la saara
sawir iyo xusuus baa
laga sii reebtaa
habeenkaa sidaasa
waa arday socotee
ducaa lagu sogootiyaa
sacad iyo sameeraay
iskuulkeenu waa sidaas


qof safray oo tagay
yurubna ka soo hadlay
shahaado ka soo qaatay
ku soo noqday dalkiisa
qofkaaga sidaasa
ducaa lagu sogootiyey

yaa suudh iyo shaadh
macalimiinta u sudha
yaa caydaruus iyo saxiibkee
sucuudiga yar geeya’
yaa c.rashiid soomali
suugaanta ka barta
yaa sullub iyo mamulaha
midba sawir la gala
allow yaa magaca iskuulka
sacabka noogu qora


waligaa socod iyo
Subject dayn maysid
Duni seerkaleey
Qalin waa sareeya
Laysu dhaafay tacliin
Seero iyo qabiilkeed
Laga tagay sanad hore

Marka hore schoolkii
Loo yaqeenay sun shine
Marka xiga siduu yahay
Waxa aadmi siri kara
Nin saaka aqoonle
Aqoonyahanada sarsariyo
Salaandiinta iyo uqaasha
Inay saf ku galaano
Soomaali oo dhan
Inay ku soo tilmaamaan
Ayaan rabi ka sugayaa


Sidaa iyo sidaa weeyi
School wanaagsan weeyi
Sun shine weeyi


Ifka ayaamo sii joog
Sii dhisnow sii nagaad
Sii fid sii durug
Allow sii wanaaji
Aamin Aamin..

Nuura: heestine waxay ku soo baxay ama ay ku dhalatay laba siyaabood oo ay kala yihiin :


1} Ta kowbaad waxay ahayd anoo baryahaaba hal-abuurka jeclaa oo xiisayn jiray inaan maansooyin sameeyo ayaa waxaa ila soo darsay inay gabadhi noo dhalato iyadoo markaa aanu nahay afar wiil oo qudha dabadeed waxa markaa igu abuurmay dareen rabaaniya oo ku saabsanaa in aan isku dayo oo aan tijaabiyo hal-abuurkaygu halkuu marayo, hase ahaati maalintaa kumaan gulaysan inaan sameeyo balse waxay iga noqotay qabyo
Sidaa daradeed kamaan hadhin oo maan dayn inaan sameeyo.

2} Ta labaad waxay ahayd habeen habeenada ka mida ayaa waxaan hoos fadhiyey fogaan araga{TV}, dabadeed nasiib wanaag waxa la soo daayey hees aan baryahaaba raadinayey oo la yidhaa nuura oo markaa ninka qaadaya aan aqoon hase ahaate muuqaalkiisu u ugu badnaa ka dib waxa igalay dareen aan garanayn meel u ka yimid, waxaan go’aansaday in aan sameeyo hees kale oo la yidhi nuura oo ay u jeedaydu ahayd jecayl aan u qabo wallaashay.nasiib wanaag habeenkaa waxa igu soo dhacay toban tuduc
Oo markaa aan ku qoray waraaq dabadeedna sidaa ayaan ku qabyo tiray.


nuura
nuura iyo nasteexiyo
nimco iyo nagaadey
naruuradii naftaydaay
neecowdii aduunkaay
wallaal nimaan ku caashaqin
yaanu nikaax kugu xidhin
noloshaadu nanab
marnaba yeyna noqon
nuuradii cadaydey
nebi yuusuf dabdii
qurux lagu manaystaay
ilyaas na amiiriyo
muscab iyo na c/fatixiyo
nuuradii shanaysaay
alow afar cisho
naysku kaayaa daa



nuuradii reerkaay
inintii noo dhalataay
nolol wacaniyo
barwaaqo ku nagaad
neecow da’aysaay
intaad nooshahay
nafaqo aan dhamayn
ku naaxi naftaada
nuuradii cadaydee
nabi yuusuf dabadee
qurux lagu manaystaay
nasri iyo farxad
nimco iyo sharaf
magac ku noolow
allow afar cisho
naysku kaaya daa


SOO DIYAARINTII : C.XAKIIN MAXAMED (BIDIXO)

HEESTA MAAYADA

MAAYADA ( HEES )heestan la yidhaahdo maayada waxa igu dhaliyey inaan curiyomaalin ayaa anigiyo laba inamood oon saaxiibo nahay aan tagnay aroos ka dhacayey magalada wajaale gelinkii danbena aan ka amba baxnay hargeysawaxaan arooska joognaba waxaan mar kaliya indhahaygu qabteen inan la moodo leydh ka baxaya meel madowsankeeda liidka ah suniyaasha qaansaha sanqaroorka ku yiilruntii igu beeray dareentaasoo sababtay inaan is barano iina sheegtay in iyana ay ka timid hargeisa xaafada new hargeisa magaceegana iigu sheegtaymushtaaq balse habeenkaasii calaf iskuman yeelan inaan in badan sii wada sheekaysano oo gaadhigoogi ay markiiba raacday

meel dhool ku da'ayoo
miraaluhu darooroo
mayayguna barkadayoo
mahiigaan ku tiixoo
dirirkuna maansheeyey
gudgudena masruufay

maayadiyo durdurkiyo
mowjadiihii daadadku
u baratameen masaafad

moqorkiyo xareediyo
laasasku maaxdeen
oo maalmo jiifeen

mashxarada onkodkiyo
milicsiga hilaaciyo
musharax tahay cadceedu
dayaxuna minxiis yahay
oo isu meeray ilayskii

ayaan kugu maseeyaa
inanyahay marreegtad
igu seeto marteediyo
halkaad igu musbaartaan
wali aan ku maaganahee !

dhirtoo oo magooshoo
midhihii hoobaantuna
dhulka xubin kamiismeen

madheedhkiyo tufaaxiyo
geedahoo isu marmoo
milicsaday cadceedoo
laamahoo muuqaalka
dhaayahu marxabeeno
midigiyo bidix xidhay

ubax meesha guradiyo
muquuniyey guudkoo
badhba muunad leeyiin

sagalkiyo moodoo
muudsaday dhalaalkoo
midba dhinac ka nuurtoo

jeegaantoo midabadiyo
kaaha loogu maqaarey
muriyad dhulka u ah]

ayaan kugu maseeyaa
inanyahay mareegtaad
igu seeto marteediyo
halkaad igu musbaartaad
wali aan ku maaganahee

inkastoon malayn karin
meteli karin quruxdaa
gidi maantoo idil
hayeeshee midhbaan odhan

waxaad tahay qof maankiyo
maskaxdiisa kaashada
oo maaley aqoontoo
uguna muhato dheeroo
macluumaad xambaarsanoo
mufakir ah oo muraadleh

waana mu'min khaalisoo
muslimo lagu anqariyoo
marna xishood lagu gardadsho
maro xariira lagu qeydoo
mabsuud lagu daadihiyey

sida minitka saacadiyo
muraaxadoo kalaad
wadnaha ugu meertaa

mowjadaha dhiigaad
ku milantahayoo
midabkaagu waa nuur
milicsiga u rooneey

ma ogtahay mushtaaqey
mahadhada xusuustaan
hadba soo mirkacayaa !!!!

AFARTAN HEESOOD WAXAA CURIYEY ABWAAN CABDIQADASIR CABDI XASSAN RAM


AFARTAN HEESOOD, WAA AFAR HEESOOD OO MARXALADO BADAN KA TURJUMAYA, WAXAY U KALA BAXAYAAN AMAAN, ABUUR DAABICIYA OO ILAAHAY SAMEEYEY, WAAYO JACAYL, IYO IL NAXARIISEED, WAXAANA CURIYEY ABWAAN CABDIQAADIR CABDI XASSAN RAAM OO DAGGAN MAGAALO MADAXDA JAMHUURIYADDA SOMALILAND


Dhulkoo ay xareediyo
Mayeygii ku dhuftiyo
Dhibicdu ay qoysoo
Dhirtuna bilic leedoo

Dhabigoo liicliicayoo
Dabayshu ay ku dheeshiyo
Maayeerta dheeriyo
Dhosoqoo isna meel fog
Dhaayaha uga muuqdiyo
Dhumay iyo eeridiyo
Dheentiyo berdihiyo
Dhigridiyo daanyadiyo
Dhadhaabiyo bilcinkiyo
Dharkeyniyo xamartiyo
Dhediniyo madheedhkiyo
Dhabastiyo cadaadiyo
Dhuurtiyo xayaabkiyo
Dhilawyahanka geedaha
Dhanka sare isu mariyo
Dhuwaniyo laamaloosh
Dhool subax heliyo
Dharabku uu dul yuururo


Dhooleey waxaad tahay
Biyo meel dhaxsiisiyo
Dhijaamada xarfanayee
Laamaha ku soo dhacay
Ay dhirbaaxayaanoo
Ubaxyadii dhashayna
Dhabankooda midabadu
Ay is dhexgeleenoo
Dhegihii balaadhshee

Dhooleey waxaad tahay
Halahoo dhaadsanaiyo
Dhogoryaraha geeliyo
Saca dhiinka ahee
Dhudhubada lugaha
Kula dhex jira xarediyo

Qoraxdoo dhankeedii
Dhigatay baalashoo
Dhacadiid u jiiftee

Dharaariyo habeenba
Waxa dheygag xusuus
Dhabanada la heystaa
Hadba dhinac ka eegaa

Siduu alle kuu dhigee
Dhigiyo asaagaa
Quruxdaad ku dhaaftee

Dhooleey waxaad tahay
Dhabeeliyo gaari iyo
Midaan dhaliil lahaynoo
Diinta ku dheeroo
Dhaban aad u wacaniyo
Qurux dhaaya jiidoo
Lagu wada dhadhabayoo
Dhexda taaka qabadka
Midabkaaga dheehale
Tinta dhalaalaysee
Dhererka miciinsatee
Ee dhabarka joogaan

Hadaad hunguridhabaqiyo
Dhuunta ii maraysoo
Waan ku dhaadhicinlaayo
Qalbigaad dhilataad
Ku dhex dhigi lahaayoo
Kugu dhowran lahaa

Anoon xaraf dhibceynjirin
Ama duldhigin xarakada
Oo qalinku I dhabayaan
Ka dhargi waa amaantaa
Ana kuguma dheeraan
Kuma dhihin xaraf wacan
Wixii laabta dhignaana
Dhibic kaala bakhaylin

Dhooleey waxaad tahay
Dhigta jeegaantiyo]
Dhemantiyo dahabkee

Dhuuxiyo lafihiyo
Dhankastaba jidhkeyga
Adigaa dhalaashoo
Dhinbiilaha ku shidayee

Qalbigaad dheyeysaa
Dhaxantaad deyeysaa
Jacaylkani dhutinayaad
Dhidib aad u tahayee

Dhugashada eegmada
Waxaad iiga dhigantahay
Dhulkeenoo barwaaaqadu
Ramadku uu dhaloo
Rayskuna dhinacyada
Dhabta ay isu hayoo

Dhowrcishiyo maalmaha
Dharaartaanan ku arkin
Baxnaanadu igu dheeraa
Ma dhaanka sahanoo
Aan dhamaanayniyo
Badweynbaad dhurayaa ??

Ma dhabo la marayoo
Dhiigu daadsanyaad
Igu dhaqaajinaysaaa

Dhirtaxanyaduba ogow
Dhaawaca lug ku yimid
Uma dhutinaysee

Hadaan isu dhegnaano
Isla dhadhamino waayaha
Wado dhano caashaqa
Kala dheeraan maynee

Jacaylkana dhantaaliyo
Ka illaahi dhaawacoo
Oo dhowr maalmaha
Dunidu dhamaanteed
Waa gelin dhacaayiyo
Dharaar soo iftiintee

Sida dhayda caanaha
Dheyda loola doontaa
Anigana dhankaagiyo
Dhakhtar iigu kaa qoray




JOWHARAD

Sida jeedhajeedhoo
Udug kula jiidhiyo
Jaleelada geedoo
Jeenigay isu haysiyo
Jillab xoolo daaqaan
Oo jaleecada geedaha
Canjeel joog-dheeriyo
Jiic ul laga qoriyo
Ajarsaha jirku naco
Jeeriniyo nedekhiyo
Jirmadiyo berdihiyo
Jiiqiyo coboshiyo
Jiridii xayramadiyo
Jaleefantoo baxdee

Jawiguna haboonyoo
Jeegaanta roobkiyo
Daruuraha dul joogsaday
Ay jugta danabkiyo
Hilaacii jeexmay
Isu jiibiyaanooy
Jilbo dhigtay xareeduyoo
Caraduna jilicdoo
Doogu uu dul jiif saday

Jeego-dhigtay qoraxdu
Inta ay janjeersatay
Jaaha iftiinkeediyo
Kala jiiday falaadhaha

Oo jaarkeedu dayaxu
Cirka meel uu joogsadiyo
Jago ka samaystayoo
Soo jeedka cawayskii
Meel jafliyo dhaantiyo
Jaanta leysu beegiyo
Nuurka aan ka joojineyn

Ama jufoo beerihii
Hadhuudhkii joogsadiyo
Jararkii ceel xadiyoo
Bustaanada jiitamay
Joogteeyey roobkuye
Durdur gu iyo jiilaal
Kala joogsanaynoo

Ama wabigii juboo
Jeertiyo yaxaaskuba
Ay wada jibaaxaan
Jasiiradii sacaadadiin
Oo jaxeedhku daaqiyo
Agamsahoo jihoonka
Babaaygu uu ku soo jabay

Geenyo jarabaraneey
Jowharad la moodyeey
Jamaalka sideedaa
Kama jeedsanaayoo

Jalbeebta haasaawaha
Markaad joogto agtayda
Wadnahaygu jeexbuu
Jacaylku ku fiilaayoo
Jeedaalada waxad tahay
Joohaar iftiinteee
Ila jiid waadaantaa


BAAL-DAHAB

Marka ay barwaaqadu
Baalasha dhigatee
Dhool bari ka toosay
Inta uu isbiirsaday
Di’idii bilaaboo
Borotameen dhibcuhu

Oo badankood heegadu
Isu wada baaqeenoo
Cirkii buluuga ahaaa
Baladhkiisa qariyeen
Oo biligta hilaaciyo
Onkod isu beegmeen

Ooy dhulka boodhiyo
Ka ilaasheen basaasoo
Biyihii ku radiyeen

Bilaneey waxaad tahay
Baliyo meel baadloo
Xooluhu biileen
Biilaale gooniyo
Baarcad maadh-weydiyo
Buriyo saxatidiyo
Ay tigaadu baxdoo
Diixiyo baldhoolahoo
Boga isku hayoo
Xarfaduna barkatoo
Dugsanaya bardahoo
Kala bixiyey laamahoo
Bilcinkiyo dhabiguna
Iska garab baxeenoo

Billaneey waxad tahay
Midhahoo bislaadiyo
Ubaxoo bahooboo
Badhba gees u jeesteen
Sida bilis habloodoo
Baalaha xinaystoo
Baarkana caseeyoo
Ay balanbaalistu
Kolba mid ku boodoo

Bilaneey waxaad tahay
Il buur dusheedii
Kasoo burqanaysoo
Biyihii durdurayey
Agteeda bustaaniyo
Beera laga samaystoo
Bahaladiyo ugaadhiyo
Balxasheen xooluhiyoo
Lagu wada oonbaxay


Billaneey waxaad tahay
Qorax soo baxaysoo
Bururisay dhedadoo
Falaadhahana baahisoo
Oon duhurkii bacadiyo
Kul badan lahaynoo
Barbarkooda daruuruhu
Sida boqor la doortay
Bari kasoo galbiyeenoo

Bilaneey waxaad tahay
Sida shinbirka baaskoo
Bulbushiisa gilgiloo
Beryo samo ku nooloo
Dusha uga baxay dhirtoo
Indhalaliska beegsiga
Bidhaansada meel fogoo

Bilaneey waxaad tahay
Qaajiyo bulaaliyo
Boosiyo meydaliyo
Xamariyo barooriyo
Boodiyo caynaboo
Isla borotamaayoo
Oon meel lagu bi’iyo
Bar dagaal la geynoo
Bogcad leh tigaadiyo
Belayada xareeda ah
Barbarkooga daaqoo

Oo beeshu nabad tahay
Barbaartiyo dhalintu
Barxadaa cawayskii
Leysu soo baxaayoo
Baar cadiyo dhaantada
Jiibta leysu beegoo
Jaanta leysu beegoo
Labadii isu baahnaa
Balan ay u noqotoo

Suniyaal biciidley
Timo baal goray ley
Bilic haldhaaley
Midab olol baxayiyo
Bildhalatay u eegey
Afku bar madow yahay

Bogan waayey gama’oo
Badhtamaha habeenkii]
Adaa boga mirtoo

Ka bogsanwaayey ishqiga
Adaa beerkay shitoo
Laabtay bireeyee


Xaalkaagaan bilaneey
Hadba ka bardadaayoo
Waxaan beegso leeyahay
Barta aad ku nooshahay

Anigoon ku boojimeyn
Waxaan kaaga baaqayaa
Booraan jacayleee

Adiguna bidhaantiyo
Quruxdiyo bilnaantaad
Baaldahaba ka gashay

Anigana bilaneey
Jacaylkani I beegsaday
Ma baabula aaroo
Banaan iga helaybaa !!
Ma badweyn tolow
Aan baaxadagaayaa !!

QALANJO



Sida qaaje farasoo
Qarqariyo seetiyo
Bustaan lagu qoofashoo
Oon qululiyo hayaaniyo
Qumac dagaal tagin
Ama qaanso roobaad
Qabsatay cidhif yada
Ama qorax arooryaad
Subax leyla qadareey
Indhahu qabtaaanooy
Qalanjooy waxad tahay
Balanbaalis qalimo loo
Ubaxyada qaarkood
Qarka sare yuururtoo

Qudhac iyo galooliyo
Quudiyo berdihiyo
Quduriyo xamariyo
Qeydariyo dhebi iyo
Qarari iyo gobkoo
Roobku uu ka qaadoo
Hadii ay is qabsadaan
Adigaa quusiyee

Qiimihiyo tilmaamtiyo
Hablihii qureysheed
Quruxdooda adigaa
Qalanjooy bilic dheer

Qalbigayga adigaa
Qoxiyo laangoba
Intaad isu qabatay
Xulado iga qiiqshee

Qaashiy adaa seef
Bogayga ku qashoo
Wadnahayga qoliyo
Qalcad ka dhistooo
I qaadaa dhigaayee

Xidadada dhiga qaadiyo
Qeybaha jidhkeygaad
Qori isugu dhiibtoo
Dagaalbay iga qarxee

Inaan qoslaayo iyo
Inaan qiiraysnahaa
Isaga kay qaldane

Xiligoo qaboonoo
Gowraha qaboobiyo
Dadku qadhqadhayuu
Dhididku I qariyaa

Qalbigii ku raacoo
Adigaa qaatayoo
Qof hada joogoo
Qaaliyeey maqanoo
Qeybsamaan noqdaye


Qumanow jacaylow
Marnaqaxar la sheegow
Marna qoys yagleeloow
Hilaadi aad qeysiyo
Cilmi qabriga dhigtaa
Hadalqaadkaagiyo
Qof ba ugu danbeeyee
Waatii baalku kaa qoye
Lagu qiimayn waayee
Ninkastoo soo qoystaba
Macaan intaad u qaladay
Aad qadhaadh waraabisay

Anigana qaraariyo
Midaad igu qasbeysaa
Alla qaayo weynaaa

MALOOLI MAANSO (C/QAADIR RAAM)

MALOOLI (MAANSO) abwaan ka da’da yar C/qaadir Raam,

Maansadan oo la magac baxday (Malooli) waxaa tiriyey Abwaankii Da’da yar ee lagu magacabo Abwaan C/qaadir Cabdi Xassan (RAAM) Malooli waa manso mug wayn oo ka hadlaysa xaaladaha wadanka hadda ka jira, maansadan oo xiiso badan: waatan




MALOOLI (MAANSO)



Madaxdii dalkeeniyo

Inta ah muxaafadiyo

Inta ah mucaarid

Murankiina badanbaa

Waxaan miisaynee

Lagu wada midoobee

Manka iyo caleemaha

Dhirta wada magooshaad

Majaxaabinaysaan





Hashu way magowdee

Maanta yaan la gaagixin





Ma ogtahay dadkeygoow

Cadaw kaa maqanbaa

Kugu soo maqanoo

Ma ogtahay abeesadu

Midabka dhulkeey

Isu muuqyihiinoo

Waxay maagantahayiyo

Misgaha ku goysaa





Hashu way magawdee

Maanta yaan la gaagixin





Hadaan mawdku ku helin

Maalmahani silsiladaa

Midba mid kuu dhiibtoo

Murugiyo farxadba

Waxa mawle qoriyo

Calafbaa ku maamulee

Micnahaagu yuu noqon

Meel la salaaxaba

Madaxbaa u sareeya









Mirkaca habeenkii

Meel aan dhowaynbaa

Leyga tusay muuqaaloo





Waxa ii muuqdaa

Ma miiraale rooboo

Maansheeya dhulkoo

Maaxato xareediyoo

Lagu wada mabsuudaa??





Mise duufaan xoogliyo

Mowjadihii badiyo

Masiibo soo socotoo

Lagu muusanoobaa??





Aan maleysto wixii roon

Daa’in baa mahadlee





Murtidaydu waxay tahay

Muuqaaguba ogow

Meesha uu ku bato

Muunadaada luntee





Inkastoo masaajidiyo

Meelwalba salaada

Miduun yahay imaamku

Suuraduu marinaayo

Haduu ku margado

Muxaafidiintiyo

Dadka inta meeldhowbaa

Miyir ugu sheegee

Ninka midig istaagow

Kamid maha diintee

Macnahaagu waamaxay





Ana maansadaydiyo

Murtidaydu waxay tahay





Maaliyo aduuniyo

Adoon minan lahayn

Dumar lama majeertee





Adoon muftiyo ahayn

Macalinkii diineed

Minbar lama fuulee





Adoon maydhax diiran

Misana aan soohin

Meegaarka gurigiyo

Xeer kuma meertide





Ana maansadaydiyo

Murtiday waxay tahay





Inkastooy milicsiga

Mida qurux urooniyo

Ay ahayd madhaafaan

Lama mehersaninoo

maseyriyoo qeylay

ku sii miltayoo

milgihii gabdheedna

maanta ay ku weyday





intaad manfaciyo

muus beerleedahaad

miinoo aasaysaaye

hadaad mashaqiyo

meydkoo bata aad

melab ku helayso

mey kuu dhadhamaysaa

hashu wey magowdee

maanta yaan la gaagixin





ana maansadaydiyo

murtidaydu waxay tahay





malooli sidiisaba

hawl uma madhxayso

maqashana gidigeed

midhba waanu ku lahayn